Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Maamulka Hirshabeele Axmed Muuse oo la hadlay Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay Biyo la,aan ka jirto Deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo dhamaan ka hoos yimaada Maamulka Hirshabeele.
Axmed Muuse Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Maamulka Hirshabeele wareysi uu siiyaya Radio Muqdisho ku sheegay in arrintaasi ay saamayn ku yeelatay bulshada ku nool deegaanadaasi.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Biyo la,aanta ka taagan deegaanadaasi ay ka dhalatay ka dib markii webiga shabeele ee mara Gobolada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe uu Biyo yareeyay taasi ay saamayn ku yeelatay bulshada.
Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga: