Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Hay’adaha ku shaqada leh dib-u-eegista Dastuurka iyo Xukuumadda Hirshabeelle oo kulmay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ee ku sugan magaalada Jowhar oo ay kamid yihiin Xubnaha labada Guddi ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay shaqo wadaaga yihiin ayaa kulan wadatashi ah la qaateen Xukuumadda Hirshabeelle oo uu hogaaminayay Ku-Simaha Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Xusen Guudlaawe.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ugu horeeyn ka hadlay muhiimadda kulanka iyo waxqabadka Wasaaradda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Runtii maanta muhiimad gaar ah ayay noo leedahay inaan kulankan la yeelanno Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wasiirada Hirshabeelle, Wasaaradda iyo Guddiyada ay wadashaqeeyaan waxa ay ku heshiiyeen in Dawlad Goboleedyada laga talageliyo Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Wasaaradda waxa ay mar horeba bilawday wadatashiyadan iyada oo gaarsiisay qaar kamid ah Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Sidoo kale, Gudoomiyayaasha Guddiyada ayaa ka codsadeen Wasiirada Hirshabeelle in ay talooyinkooda ay soo jeediyaan.

Dhanka kale, Ku-simaha Madaxweynaha Hirshabelle iyo Wasiirada Hirshabeelle ayaa waxa ay talooyin u soo jeediyeen Wasaaradda iyo labada Guddi.

Gabagabadii, Wasiir Cabdi Xoosh ayaa ka mahadnaqay niyad wanaagga Ku-simaha Madaxweynaha iyo Xukuumadda Hirshabeelle ay u muujiyeen wafdiga uu hogaaminayo.

—–DHAMAAD—-

Previous Post

Eng. Yarisow “Isla-xisaabtan iyo daah-furnaantu waa mid kamid ah wax yaabaha mudnaanta sare u leh Maamulka Gobolka Benaadir” SAWIRRO

Next Post

Kulan looga hadlay dhismaha Golayaasha deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho ”SAWIRRO”

Next Post
Kulan looga hadlay dhismaha Golayaasha deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho ”SAWIRRO”

Kulan looga hadlay dhismaha Golayaasha deegaanka oo lagu qabtay Muqdisho ''SAWIRRO''

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In