Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimey oo ka dhacday magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan ayaa xalay lagu qabtay Hoolka weyn ee Jaamacadda Afrika midaas oo lagu taageerayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.
Xafladaas oo ay ka soo qeyb galeen boqolaal arday iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jeediyay meeshaas Xildhibaan Yuusuf Jimcaale Xayle, Siyaasiyiin, Diblomaasiyiin, Hooyooyin, dhallinyaro iyo aqoonyahan, iyagoo dhamaan u rajeeyay Guddoomiyaha cusub in Illaah xilkaas ku asturo.
Xildhibaan Yuusuf Jimcaale Xayle oo haalkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in munaasabadaan taageerada loogu muujinayo Guddoomiyaha Gobolka uu ka qeyb galo, isagoo ku amaanay in Eng, Yariisow yahay siyaasi waxqabad leh oo horumarka dalka ka shaqeeya.
Fiidow Maxamuud Fiidow Uqeybsanaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo isna munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in uu yahay guddoomiyaha cusub, qof hadal yar oo waxqabad badan ahna qunyar socod siyaasadeed oo aysan dhicin wali in xil looga qaaday is qilaaf isaga iyo madaxdii ka saraysay ah.
Cabaas Maxamed Nuur oo isna ku hadlayay magaca dhallinyarada ayaa sheegay in guddoomiyaha soo dhaweynayaan iyagoo ku qanacsan waxqabadkii hore ee horay loogu soo arkay guddoomiyaha iyo xilalkii uu horay usoo qabtay.
Cabdiwali Xasan Xuseen oo ah xoghaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan ayaa sheegay in uu yahay Eng Yariisow qof laba jeer Suudaan xaflad loogu qabtay oo horay isaga oo wasiir warfaafin loo magacaabay munaasabad taageero ah loogu qabtay hadana tahay munaasabadan lagu taageerayo magacaabistiisa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Dhankiisa Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisow oo qadka Telefoonka kaga qeyb qaatay ayaa uga mahadnaqay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Suudaan iyo dadka isku howlay qabanqaabada munaasabadan taageerada ah.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale la wadaagay dadkii xafladda kasoo qeyb galay qorshaha waxqabadkiisa howleed ee soo socda iyo meelaha xooga saari doono, waxa uuna ka codsaday kasoo dadkii xafladda ku sugnaa in ugu soo duceeyaan in xilka illaah kula garab galo.