Thursday, August 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha garsoorka maxkamadda Hegue

caqiil by caqiil
February 7, 2018
in Wararka
0
Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha garsoorka maxkamadda Hegue
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

C/qawi Axmed Yuusuf oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ee ICJ ayaa loo doortay shalay oo Talaada ahayd xilka madaxtinimo, ka dib markii uu kusoo baxay codeyn qarsoodi ah oo ka dhacday xarunta maxkamadda ee fadhigeedu magaalada the Hegue ee dalka Holland.

warkan oo ay jariiradda Africannews kasoo xigatay safiirka Soomaaliya u qaabbilsan midowga Yurub Ambassador  Cali Siciid Fiqi ayaa shaaciyay natiijada guusha garsoore C/qawi Axmed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025

Madaxweynaha cusub ayaa xubin sare ka ahaa maxkamadda ICJ tan iyo  February 2009, waxaana xilka guddoomiye ku xigeennimo loo doortay sanaddii 2015.

Mr;Yuusuf  waxa uu ku dhashay magaalada Eyl Gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya 1948,wuxuuna kasoo qalin jebiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed 1973, wuxuuna wax barashadiisa heerka sare ku dhammaystay Jaamacadda Florence ee dalka Maraykanka 1977-kii, isagoo ku taqasusay sharciga caalamiga iyo xiriirka bulshada, wuxuuna shahaadadiisa  Ph.D. ku diyaariyay jaamacadda sharciyada caalamiga ee Geneva.

Garsoore C/qawi Yuusuf ayaa noqonaya guddoomiyihii 26 aad ee soo mara  ICJ, isagoo ka guuleystay Ronny Abraham oo kasoo jeeda dalka  farnsiiska , wuxuuna sidoo noqonayaa masuulkii ugu sarreeyay ee Afrikaan ah ee qabta xilkaas, waxaana kaga horreeyay Taslim Elias oo ka soo jeeda dalka Nigeria,inta u dhaxaysay 1982-1985 iyo Mohamed Bedjaoui oo u dhashay Aljeeriya, kaasoo isna hayay sanadihii 1994-1997-kii.

Previous Post

Sawirro+ Guddoomiye Eng. Yarisow “Muqdisho way isbeddeli doontaa, waxaana iiga muuqda ifafaalihii guusha horseedi lahaa”

Next Post

Guddoomiye Jawaari oo dalka dib ugu soo Laabtay

Next Post
Mareykanka oo cunaqabateeyey saraakiil Nuclearka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi

Guddoomiye Jawaari oo dalka dib ugu soo Laabtay

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan wax ku ool ah la yeeshay culimada, ganacsatada iyo masuuliyiinta Bangiyada dalka

August 13, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay culimo, ganacsato iyo wakiillo...

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

Soomaaliya iyo Kuwait oo kala saxiixday seddex heshiis oo kor u qaadaya xiriirka diblomaasiyadeed

August 13, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

August 13, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

August 13, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In