Wednesday, October 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sawirro+ Guddoomiye Eng. Yarisow “Muqdisho way isbeddeli doontaa, waxaana iiga muuqda ifafaalihii guusha horseedi lahaa”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Sawirro+ Guddoomiye Eng. Yarisow “Muqdisho way isbeddeli doontaa, waxaana iiga muuqda ifafaalihii guusha horseedi lahaa”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb galay ciyaarro dhaqameed iyo bandhig faneed ay ku tartamayeen afarta waaxood ee degmada Waaberi, taas oo lagu muujinayay is-dhexgalka bulshada iyo nabadeynta Caasimadda.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in maamulkiisu uu muhiimad gaar ah siinayo adeegsiga ciyaaraha iyo fanka si loogu baro dhallinyarada dhaqanka nabadda iyo in lagu horumariyo wada-noolaanshaha, si la isugu gudbiyo xirfadaha maadaama ciyaaruhu ay kaalin sare uga jiraan isku duubnimada iyo midnimada bulsho.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026

“Waxaad tihiin udub dhexaadkii rajada iyo nabadda Soomaaliya, hal-abuurkiina iyo firfircoonidiina waa awooddii lagu gaari lahaa soo kabashada Caasimadda. Waxaan idiin sheegayaa in Muqdisho isbeddeli doonto, idinka ayuuna idinka muuqdaa ifafaalihii guusha horseedi lahaa ”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo la hadlayay dadweynaha ku dhaqan degmada Waaberi.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in mustaqbalkii dalku uu horyaallo da’yarta, furena u noqon karaan dhismaha nabad waarta iyo xasilooni ka hana qaadda Soomaaliya. Waxuna xusay in arrimaha mudnaanta u leh maamulka gobolka ay ugu horeeyaan bulsho isku duuban oo leh aragti mideysan oo wax lagu dhisayo, taasina ay tahay mid looga fadhiyo qof walba oo Caasimadda ku nool inuu kaalin mugleh ka geysto gaaritaanka yoolkaas.

Eng. Yarisow ayaa bogaadiyey maamulka degmada Waaberi ee bandhiggan soo qaban-qaabiyey isla markaana degmooyinka kalena ku dhiirageliyey in bulshada lagu hago jidka toosan ee wanaagga horseedaya,

Bandhiggan ayaa waxaa sidoo kale, ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dawladda, Guddoomiye ku xigeenada arrimaha Amniga, Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada iyo qaar kamid guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Benaadir. Waxana dhammaadka Munaasabadda koobka la guddoon siiyey waaxda Horseed oo guusha tartanku raacday.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha garsoorka maxkamadda Hegue

Next Post
Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha garsoorka maxkamadda Hegue

Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha garsoorka maxkamadda Hegue

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐝𝐝𝐞𝐱𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐚𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

October 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirka Saddexaad ee Bulshada...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY MUNAASABADDA QARAN EE XUSKA MAALINTA CALANKA

October 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare...

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In