Friday, June 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Yarisow oo ku bogaadiyey Booliska iyo Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda Olalaha Bilic soo celinta Gobolka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Yarisow oo ku bogaadiyey Booliska iyo Dhallinyarada Ubaxa Caasimadda Olalaha Bilic soo celinta Gobolka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo dhallinyarada Ubaxa Caasimadda olalaha nadaafadda iyo bilic soo celinta ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in howlaha is-xilqaanka ah ee ay sameeyeen Booliska iyo dhallinayarada Ubaxa Caasimadda ay ka turjumeyso wada shaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa Maamulka Gobolka, Booliiska iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Maanta waxaan ku guuleysanay inagoo wada jir ah, in aan ka shaqeyno soo celinta bilicda degmooyinka Hodan iyo Waaberi, gaar ahaan waddooyinka halboolaha ah ee dhex mara labadaan degmo. Waxaan u aragnaa mid ammaan iyo bogaadin mudan, maadaama ay ku timid is-xilqaan iyo wax wada-qabsi.”Ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Yarisow.

Guddoomiye Yarisow ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay leedahay bilicda Caasimadda maadama ay tahay muraayaddii dalka sidaas darteedna ay waajib ku tahay qof kasta oo Soomaali ah in uu kaalintiisa ka qaato, Maamulka Gobolkana ay ka go’antahay dar dar gelinta shaqooyinka Dawladda Hoose ee Xamar.

Olalaha Naadafadda ee laga fuliyey degmooyinka Hodan iyo Waaberi waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Benaadir oo ay horkacayeen Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Tuulax), Xoghayaha Guud ee Gobolka Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Hodon iyo Waaberi, Agaasinka Waaxda Nadaafadda iyo Bilicda iyo masuuliyiin kale oo heer Degmo iyo heer Gobol ah.

Previous Post

Diyaarad nuuca dagaalka ah oo laga soo riday Israa’iil

Next Post

Gaalkacyo: Qoysas barakacayaal ah oo ka cawday xaalado nololeed

Next Post
Qaramada Midoobay oo ka walaacsan xaaladda barakacayaasha Soomaaliya

Gaalkacyo: Qoysas barakacayaal ah oo ka cawday xaalado nololeed

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

WAR SAXAAFADEED: Ciidamada Dowladda oo howlgal ka fuliyay Masaajid Cali-guduud iyo Buq-aqable

June 3, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo ka kala dhacay deegaannada Masaajid...

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In