Thursday, July 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Casho sharaf u sameeyey Madaxda Dawlad Gobolleedyada dalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Casho sharaf u sameeyey Madaxda Dawlad Gobolleedyada dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

 

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa casho sharaf u sameeyey madaxda dawlad gobolleedyada dalka. Waxana sidoo kale ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye Yarisow ayaa soo dhaweyn kaddib, ka waramay shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ee looga hadlay amniga iyo Khayraadka dalka oo markii ugu horeysay uu ka qeyb galay, waxuuna madaxda qaranka uga mahadceliyey kaalinta fir-fircoon ee ay siinayaan mar walba bulshada Benaadir, isagoo xusay sida ay ugu heellan yihiin dadka Gobolka Benaadir dhismaha Dawladnimada iyo nabadda Soomaaliya.

Madaxweyne-yaasha Maamul Gobolleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa mahadcelin kadib, isla qiray in Muqdisho ay tahay astaan Qaranka, iyadoo taas laga duulayana maamulka iyo shacabka oo wadajira laga doonayo sidii mar kale loo soo celin lahaa sumcaddii iyo wanaaggii ay caanka ku ahayd Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre oo xiritaanka cashada ka hadlay ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii rajada iyo soo celinta dawladnimada, isla markaana ay xaqiijin doonaan wax walba oo lagu gaari karo rajadaas

Kulanka cashada ayaa waxaa sidoo kale, hadallo ka jeediyey Fannaaniin ay kamid yihiin Faadumo Cali Nakruumo iyo Hibo Nuura oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay, waxayna goobta ku soo bandhigeen heeso iyo gabayo ka turjumaya muhiimadda uu dalka u leeyahay wadajirka iyo iskaashiga ummadda Soomaaliyeed.

 

Previous Post

Wasiiru Dowlaha arrimaha Dibadda ee XFS oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga

Next Post

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso: Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In