Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta cusub Warbaahinta Qaranka ee Columbus Ohio “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya oo booqday xarunta cusub Warbaahinta Qaranka ee Columbus Ohio “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu booqday xarun cusub oo Columbus looga furay Telefishinka iyo Radiyaha Qaranka.

Booqashada Wasiirka ee xarunta ayaa waxaa ku wehliayay xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Columbus, iyaga oo markii ay halkaasi gaareen kula kulmay qaar kamid ah howlwadeenada Warbaahinta ee dalka Mareykanka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026

Wasiirku waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay howsha la qabtay iyo sida loogu dhiiraday in si is xilqaan leh loo hirgaliyay xaruntan oo ah meel la galiyay waqti iyo dadaal badan.

“Howshii ay Wasaaradda Warfaafintu qaban lahayd Wasaaradda arrimaha dibaduna idinku garab siin ahayd ayaad si mutadawacnima ah u qabateen, waana wax lagu faano” ayuu yiri Wasiirka oo intaa ku daray in Qaranka oo waqti iyo hantiba loo huro ay qayb ka noqonayso soo celinta jiritaankeenii, waxana uu uu tusaale u soo qaatay mudadii ay wadeen howsha safaaradda Soomaaliya ku leedahay Washington DC in sidan oo kale dad iskood isku abaabulay ay safaaradda u adeegayeen kuwaas oo ilaa iminka u adeega sida Wasiirku xaqiijiyay.

Deeqo Shire (SONNA) oo ah shaqsiga lafdhabarka u ah howshan ayaa u mahadcelisay Wasiirka iyo xubnihii la socday, iyada oo ku tilmaamtay howshan in ay tahay mid ay Qaranka ugu adeegayaan isla markaana aysan cidna wax uga raadsanayn.

Deeqo ayaa xusatay in sanado badan Telefishinka Qaranka uu ka shaqeyayay Columbus laakiin hadda ay tahay xiligii ugu horeeysay oo xarun noocan ah loo furo, waxay tiri “Waxay noo tahay dhiirogalin iyo Niyad wanaag in Wasiirka Arrimaha dibadda uu nagu soo booqdo xaruntan, isla markaana uu nagu dhiirigeliyo howsha aan qabanay inaga oo aan wax sharuud ah u yeelin mudo ku dhow 7 sano”

Deeqo Shire (SONNA)

Previous Post

Ku-simaha Taliyaha ciidanka booliska oo dhiiri gelin u sameeyay ciidamado uu ku booqday Baydhabo

Next Post

Gudigii uu Madaxweynuhu u xilsaaray Nabadaynta Caabdudwaaq oo dadaallo Nabadeed ka wada Xeeraale “Dhageyso”

Next Post
Gudigii uu Madaxweynuhu u xilsaaray Nabadaynta Caabdudwaaq oo dadaallo Nabadeed ka wada Xeeraale “Dhageyso”

Gudigii uu Madaxweynuhu u xilsaaray Nabadaynta Caabdudwaaq oo dadaallo Nabadeed ka wada Xeeraale "Dhageyso"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Madaxweyne Erdoğan

April 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa oo la ansixiyey

April 16, 2026
0

War-saxaafadeed: Ansixinta Istiraatiijiyadda Qaran ee La-dagaallanka musuqmaasuqa (NACS - 2026–2030).  

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Safiirka Hindiya ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadda Danjirenimo

April 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa xarunta Wasaaradda ku...

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanada Gobolka Sh/Hoose

April 16, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka yaa gurmad biyo Dhaamin ah u sameeyay shacabka ku dhaqan Deegaanka Dhanaane ee duleedka Degmada Marka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In