Maaalinimadii shalay Ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin Askari ka tirsan ciidamada dalkaasi oo lagu dilay ama lagu dhaawacay Koonfurta dalka Soomaaliya,sida ay sheegteen kooxda Al-shabaab.
Saraakiisha Taliska ciidamada Africom ayaa sheegay in warbixinta dilka Askarigaasi ay tahay mid aan sax aheyn,kadib markii kooxda Al-shabaab ay sheegteen in ay duleedka magaalada Kismaayo ku dileen Askari Mareykan ah, kadib dagaal halkaasi ka dhacay aroornimadii shalay.
“Waan ognahay warbixintaasi,waana mid qalad ah,mana jiro Askari Mareykan ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay Soomaaliya” sidaasi waxaa yiri Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Africom Samantha Reho.
Ciidamada Isbaheysiga waxa ay wadaan dhaqdhaqaaq looga horjeedo kooxda Al-shabaab iyo dadaal lagu xoojinaayo dhameystirka dhismaha ciidamada Soomaaliya,kahor inta aysan bixin ciidamada Amisom iyo kuwa kale.