Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamadda ugu sareysa Masar oo ogolaatay in Sucuudiga lagu wareejiyo labo Jasiiradood oo muran ka taagnaa

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Masar ayaa qorsheynaysa in Dalka Sucuudiga ay si rasmi ah ugu wareejiso Jasiirad in muddo ah uu muran ka taagnaa lahaanshiyeheeda,taasi oo khilaaf badan dhalisay.

Go’aan ay soo saartay Maxkamadda ugu sareysa dalka Masar ayaa meesha ka saartay dhammaan caqabadihii dhanka sharciga ee ka dhanka ahaa heshiis boqortooyada Sacuudiga loogu wareejiyay laba jasiiradood oo ku yaalla badda cas.

Related posts

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025

Wuxuu go’aankaasi uu imaanaya iyadoo lagu wado in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxammed Bin Salman, uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Masar.

Heshiiska Jasiiradahan ayaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay sanaddii 2016,waxaana muran badan uu ka dhexdhaliyay shacabka iyo hay’adaha Dowladda Dalkaasi Masar.

Go’aanka ay xukuumadda Masar ugu wareejisay Jasiiradahan ayaa wax ka dhasay dibadbaxyo rashbado watay,iyadoo shacabka reer Masar ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan talaabadaasi.

Waxaa sidoo kale go’aankan ka hor yimid caqabado dhanka sharciga ah iyo kiisas maxkamadaha la geeyay qaar kood,balse ugu dambeyntii maxakamadda ugu sareynsa Dalkaasi ayaa ogolaatay in lagu wareejiyo Sucuudiga Jasiiradaasi.

Jasiiradaha ay Masar ku wareejisay Sacuudiga ayaa lagu kala magacaabaa Tiiraan iyo Sanaafiir.

Hol hore ayaa Baarlamaanka Masar ansixiyey qorshe muran badan dhaliyey oo ku saabsan lahaanshaha laba jasiiradood oo aan cidiba ku noolayn loogu wareejinayo Sucuudiga.

Heshiiskan lahaanshaha jasiiradahan ku yaal Badda Cas oo la kala yirahdo Tiiraan iyo Sanaafiir, ayaa la gaadhay mar uu bishii Abriil 2016-kii Boqor Salmaan-ka Sucuudigu booqasho ku tagay Masar.

Heshiiskaasi wuxu Masar ka dhaliyey mudaharaadyo lama filaan ah oo lagaga soo horjeedo madaxweynaha dalkaasi oo ay dadku ku eedeeyeen inuu “iibiyey” jasiiradahaa oo uu ku bedeshay gargaar Sucuudigu siiyo.

Heshiiskaas ayaa dacwado lagu diidanyahay laga furay maxkamadaha Masar oo socday sannadkii hore ooo dhan. Laakiin baarlamaanku wuxu ku adkaystay in arrintaas ka go’aan gaadhideedu tahay mid uu isagu awood u leeyahay, xeerkaa uu baarlamaanku meel mariyeyna wuxuu haatan sugayaa uun in uu madaxwyne Cabdelfataax Al-Sisi ugu dambaysta saxiixo, si uu u hirgalo.

Dad badan oo mudaharaadaya ayaa iskugu soo baxay xarunta ururka suxufiyiinta ee ku taal Qaahira markii go’aanka baarlamanka la shaaciyey. Dhawr qof oo ay ku jiraan weriyeyaal ayaana la xidhay.

Al-Sisi ayaa sheegay in weligoodba jasiiradahaa ay Sucuudigu lahaayeen laakiin ay sannadkii 1950-kii Sucuudigu Masar weydiisteen in ay ciidamo ilaaliya halkaa geyso.

Previous Post

Mogadishu: Basic services made easier after official launch of new offices.

Next Post

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir oo ka qeyb galay Tartan Kubadda Cagta ah oo loo qabtay Dugsiyada Waxbarashada+Sawirro

Next Post
Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir oo ka qeyb galay Tartan Kubadda Cagta ah oo loo qabtay Dugsiyada Waxbarashada+Sawirro

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir oo ka qeyb galay Tartan Kubadda Cagta ah oo loo qabtay Dugsiyada Waxbarashada+Sawirro

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

Wasiirka Caddaaladda oo soo xiray kulan lagu qiimeeyay horumarka Caddaaladda iyo Asluubta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In