Sunday, June 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxakamadda ugu sareysa Masar oo ogolaatay in Sucuudiga lagu wareejiyo labo Jasiiradood oo muran ka taagnaa

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Masar ayaa qorsheynaysa in Dalka Sucuudiga ay si rasmi ah ugu wareejiso Jasiirad in muddo ah uu muran ka taagnaa lahaanshiyeheeda,taasi oo khilaaf badan dhalisay.

Go’aan ay soo saartay Maxkamadda ugu sareysa dalka Masar ayaa meesha ka saartay dhammaan caqabadihii dhanka sharciga ee ka dhanka ahaa heshiis boqortooyada Sacuudiga loogu wareejiyay laba jasiiradood oo ku yaalla badda cas.

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026

Wuxuu go’aankaasi uu imaanaya iyadoo lagu wado in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxammed Bin Salman, uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Masar.

Heshiiska Jasiiradahan ayaa markii ugu horeysay lagu dhawaaqay sanaddii 2016,waxaana muran badan uu ka dhexdhaliyay shacabka iyo hay’adaha Dowladda Dalkaasi Masar.

Go’aanka ay xukuumadda Masar ugu wareejisay Jasiiradahan ayaa wax ka dhasay dibadbaxyo rashbado watay,iyadoo shacabka reer Masar ay muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan talaabadaasi.

Waxaa sidoo kale go’aankan ka hor yimid caqabado dhanka sharciga ah iyo kiisas maxkamadaha la geeyay qaar kood,balse ugu dambeyntii maxakamadda ugu sareynsa Dalkaasi ayaa ogolaatay in lagu wareejiyo Sucuudiga Jasiiradaasi.

Jasiiradaha ay Masar ku wareejisay Sacuudiga ayaa lagu kala magacaabaa Tiiraan iyo Sanaafiir.

Hol hore ayaa Baarlamaanka Masar ansixiyey qorshe muran badan dhaliyey oo ku saabsan lahaanshaha laba jasiiradood oo aan cidiba ku noolayn loogu wareejinayo Sucuudiga.

Heshiiskan lahaanshaha jasiiradahan ku yaal Badda Cas oo la kala yirahdo Tiiraan iyo Sanaafiir, ayaa la gaadhay mar uu bishii Abriil 2016-kii Boqor Salmaan-ka Sucuudigu booqasho ku tagay Masar.

Heshiiskaasi wuxu Masar ka dhaliyey mudaharaadyo lama filaan ah oo lagaga soo horjeedo madaxweynaha dalkaasi oo ay dadku ku eedeeyeen inuu “iibiyey” jasiiradahaa oo uu ku bedeshay gargaar Sucuudigu siiyo.

Heshiiskaas ayaa dacwado lagu diidanyahay laga furay maxkamadaha Masar oo socday sannadkii hore ooo dhan. Laakiin baarlamaanku wuxu ku adkaystay in arrintaas ka go’aan gaadhideedu tahay mid uu isagu awood u leeyahay, xeerkaa uu baarlamaanku meel mariyeyna wuxuu haatan sugayaa uun in uu madaxwyne Cabdelfataax Al-Sisi ugu dambaysta saxiixo, si uu u hirgalo.

Dad badan oo mudaharaadaya ayaa iskugu soo baxay xarunta ururka suxufiyiinta ee ku taal Qaahira markii go’aanka baarlamanka la shaaciyey. Dhawr qof oo ay ku jiraan weriyeyaal ayaana la xidhay.

Al-Sisi ayaa sheegay in weligoodba jasiiradahaa ay Sucuudigu lahaayeen laakiin ay sannadkii 1950-kii Sucuudigu Masar weydiisteen in ay ciidamo ilaaliya halkaa geyso.

Previous Post

Mogadishu: Basic services made easier after official launch of new offices.

Next Post

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir oo ka qeyb galay Tartan Kubadda Cagta ah oo loo qabtay Dugsiyada Waxbarashada+Sawirro

Next Post
Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir oo ka qeyb galay Tartan Kubadda Cagta ah oo loo qabtay Dugsiyada Waxbarashada+Sawirro

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka Banaadir oo ka qeyb galay Tartan Kubadda Cagta ah oo loo qabtay Dugsiyada Waxbarashada+Sawirro

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddoomiye Aadan Madoobe oo guddoomay shahaadada musharraxnimo ee hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka guddoomay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo...

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo bilaabay diiwaangelinta musharraxiinta xilka Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta iyo qabashada araajida musharraxiinta u tartamaya xilka Hoggaamiyaha...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Khudbad Ka Jeediyay Shirweynaha 114-aad ee Shaqada Adduunka

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Prof. Salim Alio Ibro, ayaa khudbad rasmi ah ka...

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

Ciidanka Ammaanka oo Degmada Cabdicasiis ka wada howlgal lagu ururinayo hubka sharci-darrada ah

June 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidamada ammaanka ayaa ku guda jira howlgal lagu ururinayo hubkii sharci-darrada ahaa ee ay wateen maleeshiyaadkii soo weeraray Degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In