Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga oo Muqdisho ka furmay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga oo Muqdisho ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wadatashi oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga Soo laabtay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayid.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.

“Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iney ka qeyb qaataan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wax loogu qaban lahaa.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Eng: Saadaq C/llaahi Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa Yiri” “Waxaan qayb ka qadaan doonnaa sidii aan uga shaqeyn lahayn dib u dejinta, shuruucda dhulalka ay degi lahaayeen (Land Policy) iyo wixii shaqo ah oo Wasaaradeeda kaga soo aada arimaha barakacayaasha”

Sidoo kale,Wasiirka Ku-xigeenka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse oo shirka ka furmay Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay iney dadka Barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ay u nugul yihiin dhibaatooyiinka , madama ay u sahlan tahay iney dibada uga baxaan iyagoo aan is difaaci Karin.

Maamul Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo maareyn lahaa Barakacayaaasha ku sugan magaalada Muqdisho iyo Qaxootiga dib u soo laabanaya

Previous Post

Italy elections: Center-right bloc wins minus majority

Next Post

Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa

Next Post
Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa

Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

March 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ugu dhuumaaleysanayeen...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In