Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga oo Muqdisho ka furmay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga oo Muqdisho ka furmay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka wadatashi oo looga hadlayo Arrimaha Barakacaayaasha iyo Qaxootiga Soo laabtay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkaan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow),Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah,Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Xubno ka socda Ururada Bulshada rayid.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saarayaa sidii wax loogu qaban lahaa Dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga ku soo laabanaya magaalada Muqdisho iyo sidii xuquudooda u heli lahaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yariisow), oo ugu horeyn ka hadlay shirka ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo garab istaagi lahaa dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Muqdisho kuna heli lahaayeen xuquuda ay leeyihiin.

“Maamulka Gobalka Benaadir, isagoo ka duulaya masuuliyadda ka saaran dadka Soomaaliyeed ee ka soo barakacay deegaanadoodii, wuxuu maanta qabtay shir looga tashanayo mustaqbalkooda, maadaama qorshuhu yahay in barakacayaasha Muqdisho sanadka 2020 xal waara loo helo” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada iney ka qeyb qaataan sidii dadka Barakacayaasha iyo Qaxootiga soo laabanaya wax loogu qaban lahaa.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Eng: Saadaq C/llaahi Cabdi oo shirka ka hadlay ayaa Yiri” “Waxaan qayb ka qadaan doonnaa sidii aan uga shaqeyn lahayn dib u dejinta, shuruucda dhulalka ay degi lahaayeen (Land Policy) iyo wixii shaqo ah oo Wasaaradeeda kaga soo aada arimaha barakacayaasha”

Sidoo kale,Wasiirka Ku-xigeenka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan C/naasir Siciid Muuse oo shirka ka furmay Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay iney dadka Barakacayaasha ee ku jira Xerooyinka ay u nugul yihiin dhibaatooyiinka , madama ay u sahlan tahay iney dibada uga baxaan iyagoo aan is difaaci Karin.

Maamul Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo maareyn lahaa Barakacayaaasha ku sugan magaalada Muqdisho iyo Qaxootiga dib u soo laabanaya

Previous Post

Italy elections: Center-right bloc wins minus majority

Next Post

Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa

Next Post
Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa

Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

December 17, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala saxiixday Hagaha Hirgelinta Qorshaha 2025 ee lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

December 17, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo ka jirta deegaanada maamulkaasi....

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In