Thursday, June 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ururka Jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee dekadda Berbera

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Ururka Jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee dekadda Berbera
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Sooomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan safiirka Soomaaliya u fadhiyo Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta  Cabdiqani Maxamed Wacays iyo diblomaasiyiinta safaarada  ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada arrimaha dibada ee Dowladaha Carabta oo ka dhacay Qaahira.

Kal fadhiga Wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta  ayaa ahaa kii 149 waxana looga hadlay Sagaal ajande oo kamid tahay warqad Dowladda Soomaaliya u gudbisay ururka Jaamacadda Carabta kuna saabsan heshiiska baadilka ah ee dekadda Barbara si dowladdaha carabta uga qaatan mowqif mideysan.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraatka ay waajib ku tahay iney ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimadda Ummadda Soomaaliyeed .

Golaha Wasiirradda Jaamacadda Carabta ayaa Ashtakadaasi kasoo saaray baaq ay ku mideysan yihiin oo ah in madaxbanaanida, midnimadda iyo xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan oo Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna Wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta, ayaa intaa ka dib ugu war bixiyay ajandaha guud ee Shirka iyo mowqifka ay Jaamacaddu iska taagtay arrinta Berbera iyo DP World.

“ Ajandayaasha laga hadlay way badnaayeen ilaa Sagaal ayay ahaayeen, waxa ka mid ahaa horumarinta Dalalka Soomaaliya, Suudaan, Yemen, Liibiya iyo Wadamo kale,  waxaa annaga gaar inoo ahaa inay Jaamacadda Carabta xaqiijiso mowqifkeeda ku aaddan  arrinta Soomaaliya sida midnimada iyo Qarannimadda Ummada Soomaaliyeed iyo in aysan jiri karin shirkad ajnabi ah iyo Dalal shisheeye oo arrimaha Soomaaliya soo fara geliya, shirkad aan Dowladda Soomaaliya ka haysan oggolaash marna kama shaqayn karto Soomaaliya” ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Safiirka Soomaaliya u jooga Masar  Cabdiqani Maxamed Wacays , ayaa dhankiisa ammaanay Khudbaddii uu Wasiirku halkaasi ka jeediyay, isagoo bogaadiyay siduu u dul istaagay heshiiska baadilka ah ee ay wada galeen DP World, Itoobiya iyo Soomaaliland iyo wax yeellada ka iman karto, wuxuuna aad usoo dhaweeyay go’aankii ay ka arrintaasi ka qaadatay Jaamacadda Carabta ee ahaa inay waajib tahay in la ilaaliyo madaxbanaanida, siyaasadda, Qarannimada iyo midnimadda Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan diidmo ah ka qaadatay heshiiska saddex geesoodka ahaa ee ay Shirkadda DP-World , Itoobiya iyo Somaliland wada galeen,  iyadoo ku tilmaantay  inuu yahay  baadil meel ka dhac ku ah Qarannimada Soomaaliya, oo uusan sax ahayn heshiis aan soo marin hay’adaha dastuuriga ee Dowladda.

Previous Post

Sawirro+Wasiir Xoosh “Inaga iyo Ururrada Bulshada Rayidka waxaan ku midoownay ka shaqeynta danta Dalka iyo Dadka”

Next Post

NCA Takes Full Control of Somalia’s ccTLD (DotSO)

Next Post
NCA Takes Full Control of Somalia’s ccTLD (DotSO)

NCA Takes Full Control of Somalia’s ccTLD (DotSO)

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In