Friday, August 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo Arrimo muhiim ah looga hadlay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo Arrimo muhiim ah looga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu shir guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha Amniga, Midaynta canshuurta dalka, Qorshaha horumarineed ee qaxootiga soo laabanaya, soo wareejinta astaanta Qaranka ee SO iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa Goloha u soo bandhigay warbixin faah-faahsan oo ku saabsan sidii loo midayn lahaa guud ahaan canshuuraha dalka, isagoona qeexay in ay wadaan qorshe lagu midaynayo canshuuraha dalkeena Soomaaliya. Sidoo kalena waxuu sheegay in ay wasaaradu ku howlan-tahay qaban qaabada shir looga doodi doono habka ugu wanaagsan ee loo midayn karo canshuuraha, taas oo ay ka soo qayb-gali doonaan madax ka kala socota Maamul Goboleedyadda iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya, si loo sameeyo sharci hagi-doona canshuuraha dalka.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse, ayaa sheegay in howl-galada ciidanka Qaranku uu meel fiican marayo, dhawaana ay ciidanku deegaano badan ka saareen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab, haatana wali lagu daba jiro haraadigooda si dalka oo dhan looga sifeeyo, waxuu kaloo sheegay wasiirku in amniga dalka uu haatan yahay mid aad u fiican la iskuna halayn karo. Dhanka kale waxuu tilmaamay in Madaxwaynaha dawladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullah Farmaajo uu wado dar-dargalin iyo dhiirigalin dhinaca Ciidanka ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ka warbixiyay qorshaha horumarineed ee qaxootiga iyo barakacayaasha ku soo laabanaya dalka kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 3,000,000 oo qof ( Sadex Million), si wax loogu qabto sadexda sano ee soo socota. Wasiir Sabriye ayaa cadeeyay in dawladdu ay ku dadaalayso ilaalinta iyo ka warqabka xaaladda dadka shacabkaah ee ku soo laabanaya dalkooda, taasin ay tahay mas’uuliyad saaran dawladda.

Ugu dambayntii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa laga dhagaystay warbxin ku saabsan soo wareejinta astaanta Qaranka Soomaaliyeed ee SO, oo si buuxda ay dawladda federaalka ula soo wareegtay. Intaas ka dibna Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyay Wasaaradda iyo mas’uuliyiintii Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyay soo celinta mid ka mid ah astaamaha Qaranka Soomaaliyeed.

Previous Post

Aqalka Sare oo ansixiyay xeerka Dhowridda Gobanimada iyo Midnimada Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka DANAB ee Xoogga dalka+Sawirro

Next Post
Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka DANAB ee Xoogga dalka+Sawirro

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka DANAB ee Xoogga dalka+Sawirro

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed

August 28, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka...

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

Golaha wasiirada oo ansixiyey xubnin gudiga hirgalinta Dastuurka

August 27, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Cali Macallin Cabdullaahi uu noqdo xubin Guddiga Madaxa-bannaan ee...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In