Wednesday, May 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka DANAB ee Xoogga dalka+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka DANAB ee Xoogga dalka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka tababar mudo hal sano u socday ugu soo xiray Dugsiga Tababarka Generaal Dhega-badan ee magaalada Muqdisho.

Gaadi ciyaar iyo dhoolatus Ciidanka oo ku aadan Tababarka ay qaateen ayay vffffGoobta ku soo bandhigeen Ciidamada, Waxaana Tababarkaas Bixiniyay Macallimiin Soomaaliyeed oo la siiyay qibrado ku aadan Difaac dalka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026

Taliyaha Dugsiga Generaal Dhega-badan Generaal Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sharxaad kooban ka bixiyay mar Xaladihii ay soo Mareen Mudadii Tababrka u socday.

“ Tababar aad iyo aad u fiican bey qaateen,waxaan aad iyo aad ugu mahad celineynaa macallimiintii tababartay iyo sida ay awaamiirta ay u qaateen,waxay ahaayeen 200,inta badan dipishiliin iyo Aqlaalq xumaa meesha looga ceyriyay,waxaan u rajeynayaa ciidanka DANAB iney ku guuleystaan hadafka ay leeyihiin una gutaan waajibkooda, Shabaabna meel walba ay joogaan ugu tagi doonaan,’’ Ayuu Yiri Generaal Maxamed Maxamuud saneey.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal C/laahi Cali Canood oo ka Hadlay Munaasabada ayaa Ku ammaaney macallimiintaTababrkaasi Bixiniyay sida ay u diyaariyaan Ciidamada kuwaaso ka qeyba qaadan doona Howlagalada dalka looga si feynayo maleeshiyaadka Al- Shabab.

Wuxuu sheegay Ciidanka hadda tababarka dhameystay ee DANAB iney yihiin cutubkii shanaad,wuxuuna ku ammaanay Ciidamada DANAB sida geesinimada leh ee Al-Shabaab ula dagaalamayaan ugana saareen deegaano badan oo dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xirey Tababarkan ayaa kula dardaarmey Cutubyadii qaatey Tababrka ee katirsan DANAB iney u diyaar-garowbaan Difaac Dalka.

“Waxaad ka mid noqoteen Ciidamada DANAB ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ku faanto Bulshada Soomaaliyeed,waxaad ka mid noqoteen ciidamada DANAB oo ah ragga safka hore ugu jira sidii loo difaaci lahaa shacabka Soomaaliyeed loogana Difaaci lahaa Argagixisada gudaha” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Waa Dufcadii 5-aad ee Ururka DANAB ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Tababar ku qaata Dugsiga Janeraal Dhaga-Badan ee Maqaalada Muqdidho.

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo Arrimo muhiim ah looga hadlay

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Next Post
Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka "Sawirro"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

May 12, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa ka hadashay caqabadaha ka jira Garoonka Aadan Cadde. Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In