Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Maxaabiis kaliya ma ilaalineysaan ee hawlgallada xoreynta dalka ayaad ka qeyb qaadaneysaan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21 Maarso 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tababar u soo xiray askar ka mid noqoneysa Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka dalka looga xoreeynayo argagixisada Alshabaab.

“Waxaa la idiin tababaray in aad ka mid noqotaan Ciidanka Asluubta, balse taas macnaheedu ma ahan in aad ilaalineysaan maxaabiis oo kaliya ee waxaa idin ku waajib ah, in aad hawlgallada xoreynta dalka aad ka qeyb gashaan, sababtoo ah dalku waxa uu ku jiraa dagaal adag oo loo baahan yahay in aan ka xorreyno argagixisada nagu soo duushay.”ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeediyey askarta ka mid noqotay Ciidanka Asluubta.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay xaaladda dagaal ee dalku uu ku jiro iyo sida looga baahanyahay muwaadin kasta in kaalintiisa uu ka qaato, dowladduna ay xoog iyo dhaqaalaba ku bixineyso sidii Alshabaab looga guuleysan lahaa.

“Maanta waxaa u dhaarateen in aad dhiigiina ku bixsaan dalkiinna, una hurtaan naftiinna. Dadaal ka dambeeya arrinkan ma jiro, waana waajib ina wada saaran dhammaanteen in aan dalkeenna difaacanno, markii uu nabad yahay iyo markii uu colaad ku jiro.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyey in maanta ay u furantahay dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka mid noqday argagixisada Alshabaab iyo horjoogayaashooda in ay dadkooda dib ugu soo laabtan, kana waan toobaan dhibta iyo gumaadka ay ku hayaan shacabkooda.

“Marar badan waan xaqiijinnay in aan cafis u fidinay, balse hadii aysan qaadan cafiskaas waxaa noo ballan ah in aan ka sifeyno dalka, waana aaminsannahay in aan ka adkaaneeyno, sababtoo ah waxaan difaacaneynaa sharafteenna, dalkeenna iyo diinteenaba.”

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ciidamadan, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji, Lataliyeha Madaxweynaha ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisaciid Muse Cali, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmed Cali Daahir, Taliyeha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliyeha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamad iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

 –DHAMMAAD–

Previous Post

Mareykanka oo duqeyn ku dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

Next Post

Qarax carruur ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen oo ka dhacay Gaalkacyo

Next Post
Caruurta Mudug oo la ildaran nafaqo darro iyo cudurro kale+Dhageyso warbixin

Qarax carruur ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen oo ka dhacay Gaalkacyo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In