Qaraxan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa ku qarxay agagaarka Hotel Wehliye ee Wadada Maka Al-mukarrama.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) oo lahadlay Warbaahinta ayaa sharraxay khasaaraha, waxa uu sheegay in 14 ay dhimatay, halka uu sheegay in kabadan 5 kalena uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi.
Kooxaha gurmadka degdegga oo soo gaaray goobtuna waxa ay daad gureynayeen dadkii ku waxyeeloobey Qaraxa markii ay halkaas soo gaareen ciidammada ammaanka Soomaaliya.
Saraakiisha Caafimaadka ayaa sheegaya Tirada dhaawaca in ay ka badantahay 15 Qof oo qaarkood qabo dhaawacyo Culus.
Isbitaallada ayaa la dhigay qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobey qaraxan oo dhacay xili qeybo ka mid ah Muqdisho ay ciidanka Xasillintu ka wadaan howlgallo lagu bar tilmaameedsanayo kooxaha lidka ku ah amniga iyo argagixsada
Afahayeenka ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu ay doonayaan in ay geystaan khasaare intaan ka badan, waxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidammada amniga oo wada dedaallo xooggan, si looga hortago dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed.
Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ka muuqdey burbur baahsan, gaadiid badan oo wadada isticimaalayeyna halkaas ayeey ku bas beeleen.