Deegaanka Bandar-seed oo ka mida deegaanada ku yaala dhanka waqooyi bari Gobalka Mudug masaafo ahaana 75km u jira magaalada
galkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa waxaa bulshada ku nool
halkaasi oo mudooyinkii u danbeeyay ku howlanaa mashariic isku tashi
ah oo ay ku hormarinayaan deegaankooda kuwaasi oo ah mid si weyn looga dareemayo deegaankaasi Bandar-seed ay ka codasadeen dowladd gobaleedka Galmudug in laga caawiyo in deegaankaasi laga hergaliyo adeegyada lagama maarmaanka u ah nolasha Aadanaha oo ay ugu horeeyaan biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada kadib kormeer halkaasi ay ku tageen masuuliyiin, waxgarad iyo saraakiil ka tirsan ciidanka booliiska Fedaraalka Soomaaliya ee ka howl gala guud ahaan deegaanada Galmudug.
Gudoomiyaha deegaanka Bandar-seed C/llaahi Maxamuud Ciise iyo qaar
ka mida waxgaradka deegaankaasi ayaa warbaahinta Qaranka uga
warbixiyay baahiyada ka jira deegaankaasi
Taliyaha Qeybta Boliiska Gobalka Mudug G/sare Maxamed Nuur Cali ayaa isna ugu baaqay bulshada deegaankaasi ka shaqeynta amniga taas oo
uu xusay in haddii aan la helin aysan suurta gal noqan karin in
bulshada deegaankaasi lasoo gaarsiiyo kaalmooyinka ay u baahan yihiin