Wednesday, March 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha Baadda ah ee Gobolka Hiiraan oo howlgal lagu dilay

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha Baadda ah ee Gobolka Hiiraan oo howlgal lagu dilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026

 Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanka Hees oo ka tirsan gobolka Hiiraan waxa ay ku dileen Horjooge sare oo katirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo Argagixisada u qaabilsanaa Uruurinta lacagaha baadda ah.

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u xaqiijiyey Warbaahinta Qaranka in Horjoogahaan lagu magacaabo Cali Axmed Guure, islamarkaana deegaanka uu ka dhacay Howlgalka lagu dilay uu u dhaxeeyo magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Sida ay soo sheegayaan wariyeyaasheena gobolka Hiiraan dadka deegaanka ayaa soo dhaweeyey dilka Horjooge Cali Axmed Guure oo sida ay sheegeen ka qaadi jiray lacago baadd ah, taasi oo dhibaato ku aheyd dadka gobolka.

Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Hees oo qiyaastii 35-km u jira a magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, taasi ayaana meesha ka saareysa dhibaatadii Al-shabaab ay ku hayeen shacabka deegaanka Hees.

Hawlgalkan lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure ayaa waxaa iska kaashanayey ciidamada xoogga iyo AMISOM, waxaana sidoo kale lagula wareegay deegaanka Baar Dheere iyo  wadada Afar Irdood oo isku xira magaalooyinka Baladweyne, Maxaas iyo magaalada Buula Burde.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo kala duwan ka wada deegaanno iyo degmooyin kamid ah dalka, kuwaas oo lagu dilay Horjoogayaal muhiim u ahaa Argagixisada Al-shabaab.

Previous Post

Mucaaradka Suuriya oo laga daad gureeyey Bariga magaalada Ghouta

Next Post

Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Next Post
Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Soomaalida kunool Mareykanka oo olole ugu jira wax ka bedelka sharciga socdaalka Dalkaasi

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

Hay’adda SoDMA oo deeq gargaar ah ugu qeybisay Baydhabo qoysas danyar ah

March 18, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA, iyo Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maalintii labaad magaalada...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

March 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), waxay si dhow ula socotaa xaaladaha ka soo cusboonaaday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In