Kulanka ay wada ciyaari doonan kooxaha Horseed iyo Banaadir Sports club ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha iyo xamaasada badan ee laga ciyaaro horyaalka kowaad ee dalka berito ayeey ku wada balansan yahiin garoonka banaadir sacada 15:30
Horseed waa koox aanan dhinaceeda dhulka la dhigin dhamaan kulamadii ay ciyaartay horyaalka Somaaliya wareegi hore oo dhowaan la soo gaba gabeeyay.
Sagaal kulan oo ay ciyaartay kooxda Matasha Ciidanka Xooga ee Horseed xili ciyareedkan Horyaalka Premier League Somalia ayaa waxaay adkaatay Toddobo kulan halka laba kulan barbaro ay gashay dhamaan kulamadii ay ciyaartay wareegi hore ee horyaalka.
Banaadir waxaa ay ciyaartay sagaal kulan sidoo kale balse waxaa ay adkaatay shan kulan dhamaan Sagaalka kulan ee Wareegi hore laba barbaro ayeey gashay labana waa laga adkaaday kooxda ka dhisan Warta Nabada ooToddobadkii hore ciyaartay kulanka Warta Derbi oo ay had iyo jeer ku wada xifaaltamaan kooxda Jenyo 4-2 ayeey ku soo adkaatay Banaadir waxaana Wareegi hore ay ku macsalaameysay Guul.
Horseed shantii kulan ee u danbeysay oo ay soo ciyaartay horyaalka soomaaliya waxaa ay adkaatay sadex labana waxaa ay gashay barbaro halka kooxda Banaadir shanti kulan ee u danbeysay oo ay soo ciyaartay ay adkaatay sadex hal kulan waxaa ay gashay barbaro halna waa laga adkaaday.
Kulankaan oo ay wada ciyaari doonan kooxaha Horseed Iyo Banaadir Sc ayaa waxaa uu bilow u yahay wareega labaad ee Horyaalka Soomaaliya oo 26 kii Bishaan la bilaabay.
Horseed waa mid ka mid ah kooxihii loogu jeclaa beri samaadkii horyaalka soomaaliya waxaana xiligaasi ay ku guuleysatay tirada ugu badan ee lagu guuleystay horyaalka soomaaliya xiligii xukumadii kacaanka balse dagaalada dalka soo maray kadib tan iyo markii dib loo bilaabay horyaalka ayeeysan ku guuleysan Horseed horyaalka Soomaaliya.
Xili ciyareedkii hore ayeey hurdada ka kaceen masuuliyiinta ugu sareysa kooxda matasha ciidanka xooga taasi oo qarash fara badani ay galiyeen kooxda waxaana ay la soo baxday kooxda guulo dar dark u socda iyo natiijooyin aanan looga baran Sodonkii sano ee la soo dhaafay taasi ayaana xamaasad u yeelaysa kulamada adag oo ay la ciyaareyso Horseed kooxihii looga bartay hanashada horyaalka Soomaaliya Shan iyo labatankii sano ee la soo dhaafay.
Horseed sagaalkii kulan ee ugu danbeysay oo ay la ciyaartay kooxda Banaadir waxaa ay ka adkaatay hal kulan oo quraa hase yeeshe sideeda kulan ee kale ayeey ahayd kooxda Horseed mid ku jirtay kuf oo kac balse Maamulka Ciidanka Xooga oo ay kooxdaasi hoos tagto ayaa Boorka ka jafay waxaana kooxda Xili ciyareedkii tagay ay la soo wareegtay qaar ka mid ah xidigaha ugu wanaagsan horyaalka soomaaliya looguna jecel yahay.
Sidoo kale Horseed waxaa ay la soo wareegtay Macalin Cumar Caruus oo ka mid ah macalimiinta ugu wanaagsan horyaalka Soomaaliya xili ciyareedkii 2014 kiina ku guuleystay horyaalka soomaaliya ayada oo aanan dhinaciisa dhulka la dhigin waxaana sidaasi uu ku noqday macalinkii labaad ee horyaalka soomaaliya ku guuleystay ayada oo aanan laga adkaan kulan quraa waxaana guushaasi uu u suurta galiyay isla kooxda Banaadir uu ka soo adkaatay wareegii hore ee horyaalka Soomaaliya.
Banaadir waa mid ka mid ah kooxaha ugu awooda iyo dhaqaalaha badan horyaalka soomaaliya lix jeer ayeey u dabaal degtay horyaalnimada soomaaliya ayada oo dhisan in ka yar yar sodon sano.
Sidoo kale Banaadir waa kooxdii labaad oo horyaalka u dabaal degto ayada oo aanan dhinaceeda dhulka la dhigin sidoo kale waa kooxdii ugu horeysay tan iyo burburkii kadib ku guuleysatay horyaalka ayada oo aanan laga adkaan kulan quraa laba jeer ayeeyna record-kaasi gaartay kooxda Banaadir Sc.
Cumar Caruus Vs Hussien Mplangu
Labada Macalin ee kala leyliya kooxaha Horseed iyo Banaadir ayaa ah macalin Soomaali ah iyo Macalin u dhashay dalka Uganda.
Labada Macalin waxaa ay horey ugu guuleysteen Horyaalka soomaaliya waana labada Macalin ee ku guuleystay horyaalka ayadoon laga adkaan hal kulan.
Cumar Caruus Waa Macalin Cashar lama ilooban ah u dhigay macalimiinta Soomaalida waxaana uu noqday Macalinkii labaad ee ku guuleystay Horyaalka Soomaaliya ayadoo uusan lumen kulan quraa waxaana taasi ay noqotay Record-Cusub waana markii labaad ee horyaalka soomaaliya lagu qaado guuldaro la,aan sidoo kale waa markii ugu horeysay burburkii kadib lagu qaado horyaalka guuldaro la,aan.
Cumar Caruus Xiligii uu leylinayay kooxda Banaadir ayaa waxaa uu noqday macalinkii ugu horeyay ee ku shaqeeyay Ciyaartoy Ajaanib ah oo markii ugu horeysay soo caga dhigtay Soomaliyada Cusub waxaana uu ka hor tagi doona malinta Jimcaha qaar ka mid ah xidigihii ajaanibta ahaa ee xiligaasi uu kooxda keenay waxaana ay ahayd mudo 40 sano kadib in gudaha soomaaliya ay ku ciyaaran ciyaartoy ajanabi ah oo u dhalatay dalal kale.
Macalin Hussien Mplangu oo u dhashay dalka Uganda ayaa ku guuleystay horyaalka Soomaaliya markii ugu horeysay uu soo Caga dhigto gudaha soomaaliya waxaana taasi ay ahayd Record Cusub oo uu dhigay waxaana uu noqday macalinkii ugu horeyay ee horyaalka soomaaliya ku guuleysta markisii ugu horeyay uu ka soo muuqdo waxaa sidoo kale uu noqday macalinkii ugu horeyay ee Ajanabi ah oo ku guuleysta horyaalka soomaaliya inta la xusuusto waxaana Record-kaasi uu ku dhigay isla kooxda uu haatan leyliyo Macalin Hussien Mplangu.
Hussien Mplangu waa macalinki ugu horeyay ee ajanabi ah oo ka shaqeeya horyaalka soomaaliya tan iyo burburkii kadib waxaana uu soo caga dhigtay horyaalka soomaaliya xili uu baneeyay shaqada kooxda Banaadir Macalin Cumar waxaana nasiibka uu siiyay in uu noqdo macalinkii ugu horeyay ee ajanabi ah oo la shaqeeyay Ciyaartoyda Soomalida ah waxaana uu soo saaray Hussien Mplangu qaar ka mid ah xidigaha haatan loogu jecel yahay kooxda Banaadir Xidigaha uu soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Xasan Santos iyo Jeena oo ah laba xidig oo Mustaqbalka wax ku soo kordhin kara xulka qaranka soomaaliya.
WAJI KA WAJI SIDEEDII KULAN EE U DANBEYSAY OO AY CIYAAREN
Kulankaan waa kii ugu horeyay ee wareega labaad oo ay ciyaaran Horseed iyo Banaadir waana kulanka ugu danbeya ee la ciyaari doono Todobaadkaan