Thursday, September 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

admin by admin
April 4, 2018
in Wararka
0
Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025
Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025

 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle oo ay kamid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa soo gaaray magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha.

Amaanka Magaalada Beledweyne ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo Kulan soo dhaweyn ah wafdiga Madaxweynaha loogu sameeyay Xarunta Maamulka.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo lahadlay bulshada ayaa waxa uu ka codsaday inay ka qeyb qaataan Howlgalada lagula dagaalamayo Argagaxisada Al shabaab, kuwaas oo ka bilowday deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobalka Hiiraan.

“Xiligii la ii doortay ilaa hada waxaan waday diyaar garow waad lasocotaan in howlgalada bilaabmeen waxaana rabnaa in waddooyinka aan furno, Howlgalada ma joogsanayaan dhamaan shacabka waxaa ka codsaneynaa inay ka qeyb qaataan sidii Cadowga umadda Soomaaliyeed guud ahaan dalka looga ciribtiri lahaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale Dhalinyarada ugu baaqay inay iska wacyi galiyaan in loo adaagsado Dagaalada, laga doonayo inay noqdaan kuwa garab taagan oo la shaqeeya maamulkooda.

“Waxaan rabaa in aan si gaar ah ula hadlo dhalinyarada oo dabka lagu shubaayo hooyooyinka sidoo kale, waa in Dhalinyarada yar yar laga wacyi galiyaa oo loo sheegaa qatarta Maleeshiyada Al shabaab, taas waxay keeneysaa inaan la qaldin Dhalinyarada oo ah Mustaqbalka dalkan”.ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Previous Post

Eng.Yarisow “Waxaan uga mahadcelinayaa wadaniyadda bulshada G.Benaadir oo gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Sahro Axmed Jaamac

Next Post
Fanaanadii Sahra Axmed Jaamac  oo maantay ku geeriyootay Magaalada Hargeysa

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Sahro Axmed Jaamac

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal...

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan

September 3, 2025
0

Howlgal si gaar ah loo qorsheeyay, oo ay iska kaashadeen Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Midowga Yurub iyo Netherland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha Midowga Yurub iyo Netherland

September 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Safiirka cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In