Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo si rasmi ah maanta xilka ula wareegay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo si rasmi ah maanta xilka ula wareegay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabad xilka loogu wareejinayo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa maanta waxay ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabelle iyo Bulshada qeybaheeda kala duwaan, kuwaasi oo Guddoomiyaha cusub ku booriyay inuu la yimaado aragti lagu horumarin karo Bulshada Gobolka Hiiraan.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Baladweyne ayaa waxaa ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada,kan Gobolka,siyaasiyiin iyo Bulshada rayidka ah,waxayna dhammaantood isku raaceen iney la shaqeynayaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow oo ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in muhiimada koowaad uu siin doono dib u heshiisiinta,dhageysiga iyo horumarinta deegaanka.

“ Waxaan idin balan qaadeynaa gaar ahaan haddaan koox u helno iyo haddii kaleba reer Hiiraan waxay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah mid xuduudaha mid deegaanada,mid dhaqanka iyo deriseynta ah intaba,waxaan balan qaadayaa inaan iyadaasi shaqada ka bilaabo,” ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan C/llaahi Axmed Maalin Sufurow.

Ugu danbeyntii ayaa waxaa munaasabada ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle,wuxuuna sheegay in si rasmi ah laga bilaabo hadda uu Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan xilka ula wareegay waxna laga weydiin doono wixii qaldama.

Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa faray Hay’adaha amaanka sida Booliska,NISA iyo Ciidanka Xoogga dalka Gobolka Hiiraan iney hadda wixii ka danbeeya ay ka amar qaataan Guddoomiyaha cusub kuna shaqeeyaan amarkiisa.

Previous Post

AMISOM evaluates its transition plan for Somalia

Next Post

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

Taliyaha Ciidanka Booliska oo kormeeray Taliska qeybta guud ee Booliska G/banaadir oo howlo dib u dayactir ay ka socdaan “Sawirro”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In