Tuesday, July 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiye Eng. Yarisow “Waxaan aaminsanahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiye Eng. Yarisow “Waxaan aaminsanahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 16, Abriil 2018—Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah-furay Barnaamijka Wacyigelinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhalinyaradu qaadan lahaayeen doorkooda ku aaddan horumarinta dalkooda, maadaama ay yihiin saamileyda saxda ah ee dalka.

Duqa Muqdisho waxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in kaalin mugleh ay ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo rajooyinka iyo hadafkooda mustaqbalka, bacmadamaa ay yihiin madaxda iyo hoggaanka berri, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin wax walba oo kor u qaadaya tayadooda si ay u buuxiyaan doorkooda muhiimka ah.

Related posts

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo cadeeyay taageerada uu u hayo horu-socodka Dhalinyarada ayaa yiri; “Dad badan ayaa dhalinyarada ku eedeeya inay mas’uul ka yihiin burburka Soomaaliya, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa in aad tihiin wadada kaliya ee loo marayo nabadda iyo dhismaha dawladnimada. Waxaana aaminsanahay in aad tihiin maskax nadiif ah oo isbadal keeni karta,

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ku dheeraaday kaalintii ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku lahaayeen xoriyadda iyo dawlad dhisidda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinta Caasimadda in ay ka shaqeeyaan amniga magaallada, ayna ka hortagaan wax kastoo wiiqaya xasilloonida iyo amniga dalka.

Munaasabadda Daah-furka Wacyigelinta Dhalinyarada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benaadir Mudane Cabdikaafi Maxamuud (Makaraan) iyo dhalinyaro isaga kala yimid 17-ka degmada ee Caasimadda.

–DHAMMAAD—

Previous Post

R/wasaare ku xigeenka Dalka oo kormeeray xarunta Wasaaradda Macdanta “SAWIRRO”

Next Post

Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Next Post
Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Banaadir Iyo Dekadda Oo Barbaro Ku Heshiiyay Iyo Kala Horeynta Horyaalka

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

Taliyaha Ciidanka XDS oo ka qeybgalay Munaasabadda Maamuuska Leyli Saraakiisha & Leyli Saraakiil xigeen ee CXDS

July 14, 2026
0

Taliyaha Ciidanka XDS, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska Leyli Saraakiisha iyo Leyli saraakiil Xigeennada...

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑𝐊𝐀 𝐇𝐀𝐖𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐔𝐔𝐃 𝐗𝐅𝐒 𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐆𝐀𝐗-𝐃𝐇𝐈𝐆𝐀𝐘 𝐌𝐀𝐒𝐇𝐑𝐔𝐔𝐂 𝐇𝐎𝐑U𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐄𝐄𝐃 

July 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf , ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc...

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

La-Taliyaha Amniga Qaranka oo kulan la qaatay Safiirka Türkiga ee Soomaaliya

July 13, 2026
0

La-Taliyaha Amniga Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa maanta ku qaabilay Xafiiska Amniga Qaranka Danjiraha Turkiga...

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

Somali Ambassador Signs Book of Condolences at Qatar Embassy in Pretoria

July 13, 2026
0

H.E. Adam Isak Ali, Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of South Africa signed the Book...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In