Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha, iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda. Ugu horayn madaxda Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa gollaha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho, waxayna sheegayn in ammaanku uu meel fiican marayo ciidamaduna ay ku howlan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa dar-dargalinta nabadda. Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka warbxiyay barnaamij lagu tiro koobaya shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo fududayn doona la socodka iyo horumarinta xirfadeed ee shaqaalaha. Waxuuna Wasiirku tilmaamay in tirokoobka laga bilaabayo xafiiska Raโiisul Wasaaraha ka dibna loo gudbayo dhammaan Wasaaraddaha iyo hayโaddaha kale ee dawladda. Wasiir Saalax ayaa cadeeyay in shaqaalaha loo qaybin doono labo hab oo kala ah shaqaalaha ka diiwaan gashay Gudigga shaqadda iyo shaqaalaha ee dawladda iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan u diiwaan gashanayn dawladda, si loo helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Ugu dambayntii Gollaha Wasiiradda ayaa ka dooday ansxinta Tubta siyaasadda ee Arrimaha Bulashada oo ay ku midaysan yihiin dhammaan hayโadaha dawladda iyo xeer mamnuucaya jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, dood iyo falanqayn dheer ka dib gollohu waxuu isla gartay in la ansixiyo labadan Hindise Sharci oo baahi badan uu dalku u qabo. |
๐๐๐ฒโ๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ ๐๐๐๐ซ๐ญ๐๐ฒ ๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐, ๐๐๐๐ข๐ ๐u๐ฅ๐๐ง ๐๐ฒ ๐๐๐๐ฌ๐ก๐๐๐ง ๐๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐๐
Hayโadda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...