Thursday, May 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Horseed Iyo Dekadda Oo Galabta Isku Dhegan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 21, 2018
in Ciyaaraha, Wararka
0
Horseed Iyo Dekadda Oo Galabta Isku Dhegan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Kubada Cagta Dekada ayaa la Ciyaari doonta galabta kulan ku Sameyn ku yeelan kara  hanashada horyaalka Soomaaliya oo ay ka hor tagi doonto Kooxda Horseed oo kaalinta Sadexaad kaga jirta,

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025

Labada Kooxod ee Horseed iyo Dekadda ayaa Waxaa u dhexeeya Farqi dhibo gaaraya ilaa iyo afar dhibcood oo ay horeyso Kooxda Dekada oo dooneysa in xili Ciyareedkii labaad oo Isxiga ay ku guuleysato horyaalka Soomaaliya.

Horseed kulankii ugu danbeyay oo ay Ciyaartay Horyaalka Waxay la soo kulantay barbaro waana kii ugu horeyay oo ee afar sano kadib uu leyliyo Cabdi halka kooxda Dekadda kulankeedi ugu danbeyay sidoo kale ay ku soo dhameysatay barbaro ayadoo Horseed aysan ka Faa,ideysan barbaraha Kooxda Dekadda ay la gashay Banaadir hase yeeshe galabta ayeey hortaala Horseed Fursad kale oo hogaanka ay ugu dhawaan karto waa hadii ay adkaato kooxda Dekadda.

Labadaan kooxod ee galabta ku hardamaya garoonka Banaadir waxaa seegi doono xidigo dhowr ah kuwaasi oo ku kala maqnaan doona siyaabo kala duwan, dhanka Dekadda Waxaa ka Maqnaan laba xidig oo ku Maqan Xulka 17-Jirada ee ka qayb qaadanaya Koobka Cecafa oo Semi Final-ka ay u Soo gudbeen.

Waxaa kaloo Dekadda ay weyn doonto Hargaandi oo ah waayo Mudo ka soo Ciyaarayay Horyaalka Iyo C/Laahi Cali Bile kuwaasi oo Seegaya kulanka galabta Dekadda ay ka hor tagi doonto Horseed balse Kooxda waxaa dib ugu soo laabtay xidigo laf-dhabar u ah kooxda Sida Qubaaye oo qadka dhexe ugu Ciyaara ahna mid ka mid ah Xidigaha ugu Wanaagsan Qadka dhexe Horyaalka Soomaaliya Kaasi oo kulankii ugu danbeyay ee Banaadir Kooxdiisa la Ciyaartay ku Maqnaa Jaallooyin Waxaana galabta uu ka hor tagi doono Qubaaye Mashiinka kale ee qadka Xulka Qaranka Xasaasi.

Dhanka Horseed Waxaa ka Maqnaan doono Ismaciil oo Qaranka 17-Jirada Ku Maqan Ma Jro Xidig Kale oo ay Weyn doonto galabta Horseed taasi ayaana ah mida Xiisaha iyo Xamaasada Horyaalka Sare ugu Sii qaadeysa waxaana labadaan kooxod Wata laba Macalin oo Waqti dheer Ku Wada Ciyaaray  garoonka galabta lagu Ciyaari doono Waa Cabdi Joon iyo Yuu Cali oo labadaba u soo Ciyaaray Kooxda Elman waqti farxadeed-na ku qaatay gudaha dalka ayagoo Wada Jir ku guuleystay Horyaalka Soomaaliya  Xiligodii Kubada Cagta.

Hadaba Cabdi Joon iyo Yuu Cali ayaa waxay wada kulmi doonan Markii Sadexaad Horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan ayadoo laba jeer horey ay ugu soo wada kulmeen xiligii Cabdi Joon uu leylinayay Kooxda Elman labada Kulan-na waxaa ay kala qaaten Min Sadex dhibcood oo ay kala adkadeen ayadoo Cabdi Joon Sadexdii Kula nee ugu danbeysay uu ka hortagay Kooxdisii hore ee Dekadda uu laba jeer ka adkaaday kulankii ugu danbeyay ayaa Mid 3-0 ay ku guuldareysatay Kooxda Dekadda waana markii ugu horeysay ee laga adkaado Kooxda Dekadda ku dhawaad 24 Kulan oo aanan laga adkaan Dekadaha.

Dekadda iyo Horseed ayaa ah labada kooxod ee laga dhaliyay Xili Ciyaaredkan Goolasha ugu yar Horyaalka Soomaaliya ayadoo min lix jeer la soo taabtay shabaqooda Sidoo kale waa labada kooxod ee ugu yare ee la kulma guuldaro horyaalka Soomaaliya Xili Ciyareedkan afar iyo toban kulan oo Wada jiray ay  Soo Ciyaaren  Waxaa laga adkaaday Min hal kulan oo quraa kulankii lugtii hore ay wada Ciyareen labadaan kooxod waxay ku wada heshiiyeen barbaro.

Hadaba Imisa Jeer ayeey kala Adkadeen 8-dii Kula ee u danbeysay oo ay wada Ciyareen Kooxda Horseed ayaa adkaatay laba kulan oo quraa Sideedii kulan ee u danbeysay oo ay la Ciyaartay Dekadda labada kulan oo ay adkaatay kooxda Horseed waxaa Dekadda ka adkaaday mid ka mid Cabdi Joon oo haatan Leylinta Kooxda Horseed dib ugu Soo laabtay afar sano kadib.

Dekadda waxay adkaatay afar jeer sideedii kulan ee u danbeysay oo ay ka hortagto kooxda Ciidanka Xooga ee Horseed hase yeeshe kooxda Dekadda wax guul ah kama gaarin dhigooda Horseed afartii kulan ee ugu danbeysay oo ay la Ciyaartay Kooxda Horseed Sadex waxay wada galeen barbaro halka hal kulan laga adkaaday, Kulankii ugu danbeyay oo Kooxda Dekadda ay ka adkaato Kooxda Horseed waxaa uu ahaa kulan ay wada Ciyareen Maalin Isniin ah 11/01/2016 afar kulan oo xiligaasi wixii ka danbeyay ay wada Ciyareen labadaan kooxod kooxda Dekadda waxay ku guuldareysatay in ay dhinaceeda dhulka ay ka dhigto Kooxda Horseed.

Previous Post

Aqriso: Liiska Guddiga Qabanqaabada Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo lasoo saaray

Next Post

DAAWO Sawirro” Aqoon isweydaarsi looga hadlayay ahmiyadda Dhirta oo maanta lagu qabtay Gaalkacyo

Next Post
DAAWO Sawirro” Aqoon isweydaarsi looga hadlayay ahmiyadda Dhirta oo maanta lagu qabtay Gaalkacyo

DAAWO Sawirro" Aqoon isweydaarsi looga hadlayay ahmiyadda Dhirta oo maanta lagu qabtay Gaalkacyo

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

May 15, 2025
0

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa....

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada 

May 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga, xilli...

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Danjiraha Soomaaliya ee Jarmalka oo ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

May 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Jarmalka,Mudane Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Farabadan, ayaa xarunta safaaradda ku soo dhaweeyay Wasiiru Dowlaha...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga

May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In