Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Is diiwaangelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
April 23, 2018
in Wararka
0
Is diiwaangelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

Sida ay shalay shaaciyeen Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta oo isniin ah waxaa bilaabanaya is diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Is diiwaangelinta Musharaxiinta ayaa waxa ay soconeysaa 23-ka April oo maanta ku beegan ilaa 24-ka April oo berri tallaado ah, waxaana watiga shaqada uu yahay 10:00-AM ilaa 05:00-PM, sida lagu sheegay warqadda ay soo saareen Guddiga qaban qaabada doorashada.

Sidoo kale,Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay kullankooda 2-aad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay soo saareen Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,waxayna sheegeen in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 30-ka bishan April 2018-ka.

25 ilaa iyo 26-ka bisha April ayaa loo qoondeeyay hadal jeedinta musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay ka horjeedinayaan Xildhibanaada Golaha Shacabka.

27 ilaa iyo 29-ka waxaa jira Diyaargarow iyo is xog wareysi ay sameynayaan Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ku aadan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ugu danbeyntii,Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray musharaxiinta u tartaramaya xilkan kana mid Golaha Wasiirada in Guddiga qaban qaabada u keenaan cadeyn ku xusan iscasilaadiisa markii uu is diiwaangelinayo

 

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS oo soo xeray shirkii Badqabka Suxufiyiinta ee ka socday Muqdisho

Next Post

Habraaca Cafinta deymaha Soomaaliya oo mira dhal ku dhow

Next Post
Habraaca Cafinta deymaha Soomaaliya oo mira dhal ku dhow

Habraaca Cafinta deymaha Soomaaliya oo mira dhal ku dhow

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In