Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Habraaca Cafinta deymaha Soomaaliya oo mira dhal ku dhow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Habraaca Cafinta deymaha Soomaaliya oo mira dhal ku dhow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Waxaaย dhawaan magaalada Washington ee dalka Maraykanka ku soo gaba gaboobay shir ay yeesheen wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda ย C/raxmaan Ducaale Bayleย  iyo Heyโ€™adda Lacagta Aduunka IMF/ Madaxda Bangiga Aduunka.

Shirka oo socday illaa iyo todobaadkii hore ayaa waxaa lagu lafa guray arimo ay ka midย  yihiinย  horumarka ay Soomaaliya ka samaysay dhanka ย Maaliyadda , Sara u kaca dakhliga Dowladda, Bixinta Joogtada ah ee Mushaaaraadka iyo hufnaanta maamulka maaliyadeed ee Wasaarada Maaliyaddu ku tallaabsatay.

Miraha shirkaan ka soobaxay waxayย  guul hordhac ah u tahay dowladda Soomaaliya oo lagu leeyahay dayn gaaraysa 5.5 bilyan oo Doolar, Madaxda IMF iyo kuwa Bangiga Aduunka ayaa hadda shaaciyay in ay ku qanceen horumarka maamulka Maaliyadeed ee Soomaaliya ka taabbagalay, in si sax ah loo uruuriyo Canshuuraha iyo hannaanka hufnaanta ka muuqato ee loo maamulo dakhliga dowladda, taasna waxay sababtay in la diyaariyo habraacii loo mari lahaa waqti dhow Cafinta deymaha Soomaaliya lagu leeyahay.

โ€œWaxaa si guul ah inoogu soo dhamaaday Shirkii IMF iyo Bangiga Aduunka, waxay ku qanceen dhamaan qodobadii aan hordhignay, taasna waxay sababaysaa in Soomaaliya laga Cafiyo Deymaha lagu leeyahay โ€ ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Md Dr ย C/raxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale Wakiilka Q.M ee Soomaaliya Michael Keating ayaa soo dhaweeyay guusha ay gaartay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo dadaalka ay sanadkaan u gashay sare u qaadida Dakhliga Dowladda u soo xarooda oo qaab hufnaan ku dheehan tahay loo maamulay.

Wasiir Beyleย  intii uu joogay Washigton wuxuu kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka, hayโ€™adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka ka soo qayb gashay wuxuuna Wasiirku hoosta ka xariiqay in ay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala.

โ€œShirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda,waxayna noo ballan qadeen in ay naga caawin doonaan sida ugu dhaqsaha badan arrimaha kaabaya cafinta Deyntaโ€ ayuu yiri Wasiir Beyle.

Mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay Dowladda Soomaaliya ka goโ€™an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay wasaaradda maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha Dalka si Beesha Caalamka aan uga helno aaminaad buuxda.

Dhanka kale shir looga hadlayay sidii Soomaaliya looga hirgalin lahaa Mashaariic horumarineed ย ayaa lagu qabtay Magaalada Washigton ee dalka Maraykanka, waxana Soomaaliya uga qayb galay Wasiiradaย Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle,Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan, iyo Wasiirka Kalluumeysiga C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi.

Waxaana kulankan oo ahaa mid caalami ah ka qayb galayย dalalka qaaraan bixiyayaasha caalamka sida Qaramada midoobay Midowga yurub, hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF, dowladaha Mareykanka, Britain iyo Norway.

Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya, ahna xoghayaha guddiga dhaqaalaha, Dr; C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in shirkaan ujeedadiisu ahayd in deeqbixiyayaasha iyo hayโ€™adda Lacagta Adduunkaย  u soo bandhigaan hanaanka dowladda Soomaaliya u samaysay horumarka la taaban karo.

Wasiirka ayaa sheegay in wadiiqada Cafinta deymaha ay kol hore soo billaabatay, iyaguna ay marsiinayaan halkii u wanaagsanayd, haatanna ay qabaan rajo wanaagsan maaddama ay si fiican u maareysay dowladda Soomaaliya dhaqaalihii dalka.

Yididiilada ugu weyn ee ay qabaan ayuu wasiirka Kaluumaysiaga ku tilmaamay in dhaqaalihii Waddanka sare loo soo qaaday,ka dib markii meesha laga saaray hayโ€™ado gaar loo leeyahay oo si aan sharciga waafaqsanayn ku maamuli jiray ilaha dhaqaalaha dalka, saamiga ay qaataanna uu ahaa mid aad u badan, isla maraakaana aan wax Canshuur ah laga qaadi jirin adeegyadooda.

โ€œTusaale Isgaarsiinta waa kuwa ugu waaweyn dhaqaalaha Soomaaliya, wax macna leh oo Dowladda Canshuur ka heli jirtay ma jiraan, sidoo kale garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda Muqdisho oo uu ka soo xaroodo dhaqaale aad u badan, ayuu yiri Wasiirku.

Dr: C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay xukuumaddii hore ay 12 qandaraas oo ahaa adeegyo ay dowladda dhexe lahayd siisay shaqsiyaad iyo shirkado gaar ah haatanna ay dowladdani dib ugu soo celisay Gacanteeda, halkaas oo uu ku lumi jiray dhaqaale fara badan.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan qorshe lagu mideynayo habka canshuur uruurinta Dalka si daqliga ka soo gala Dowladda dhexe Ilaha dhaqaalaha ee Muqdisho uu mid la mid ah ugu yimaaddo dhanka maamul Goboleedyada kale ee dalka.

Habraaca loo marayo cafinta daymaha lagu leeyahay dalkeena oo mira dhal ku dhow wuxuu horseedi doonaa in ย Soomaaliya ay cagta saarto wadadii horumarka, waxaana soomaaliya heli doontaa dhaqaale lagu hirgaliyo mashaariic horumarneed oo dalka iyo dadka wax wayn ku soo kordhin doonta.

W/Q :- Abuukar Gobdoon

Previous Post

Is diiwaangelinta Musharaxiinta u taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa

Next Post

R/wasaare Kheyreโ€ Waxaa la isku raacay sidii Soomaaliya ula falgeli lahayd Hayโ€™adaha dhaqaalaha Aduunkaโ€

Next Post
R/wasaare Kheyreโ€ Waxaa la isku raacay sidii Soomaaliya ula falgeli lahayd Hayโ€™adaha dhaqaalaha Aduunkaโ€

R/wasaare Kheyreโ€ Waxaa la isku raacay sidii Soomaaliya ula falgeli lahayd Hayโ€™adaha dhaqaalaha Aduunkaโ€

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

October 13, 2025
0

Hayโ€™adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In