Tuesday, June 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda XFS oo maanta Golaha Aqalka sare ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026

Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo maanta yeeshay kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad ayaa waxay akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen oo hortagay,waxaana Kullanka maanta ee Golaha Aqalka sare shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014-kii,isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcigan sidii loola dagaalami lahaa masuq maasuq iyo adkeynta tallaabooyinka lagu joojinayo lagu lana dagaalamayo Masuq-maasuqa ka dhaca Qaranka gudihiisa ama dibadiisa.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo qeybiyay nuqul ka mid ah sharciga la dagaalanka Masuq-maasuq si ay u soo mariyaan akhrinta koowaad ka dibna ay u ansixiyaan.

Xeerkaan oo horay u soo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka una soo saxiixeen ayaa hadda wuxuu horyaalaa Golaha Aqalka sare si ay iyagana waajibaadkooda dastuuriga ah uga guttaan.

Sharciga la dagaallanka Masuq-maasuqa ayaa haddii uu hirgelo wuxuu suurta gelinayaa  dhismaha Guddiga Madax-bannaan ee la dagaallanka Masuq- maasuqa sida waafaqsan dastuurka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xeerkani ayaa muhiimadiisu waxay tahay la xisaabtanka iyo habsami u Maamulka howsha Qaranka,iyadoo la ilaalinayo danta dadweynaha Soomaaliyeed iyo Hantida Ummadda oo laga dhowro boob iyo ku takrifalka sharci-darada ah.

Previous Post

R/wasaare Kheyre” Waxaa la isku raacay sidii Soomaaliya ula falgeli lahayd Hay’adaha dhaqaalaha Aduunka”

Next Post

Guddoomiye Yarisow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, mana aqbali doono in qashin lagu shubo waddooyinka”

Next Post
Guddoomiye Yarisow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, mana aqbali doono in qashin lagu shubo waddooyinka”

Guddoomiye Yarisow “Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, mana aqbali doono in qashin lagu shubo waddooyinka”

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

Muqdisho oo lagu qabanayo Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya

June 8, 2026
0

Magaalada Muqdisho oo ka furmaya Madasha 3-aad ee Maayarrada Soomaaliya, oo ah kulan heer qaran ah oo muhiim u ah...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray liiska musharraxiinta u taagan xilka hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. HOOS KA AKHRISO

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay khasaarihii nafeed ee ka dhashay howlgalkii hub-ka dhigista Caasimadda

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dhaawacyada iyo dhimashada ka dhalatay howlgallada lagula dagaallamayo hubka sharci-darrada...

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

Hay’adaha Amniga oo shacabka ku wargeliyay inay dib ugu laaban karaan xaafadda Marinaayo iyo degmada Cabdicasiis

June 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adaha Amniga Caasimadda waxay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Degmada Cabdicasiis iyo xaafadda Marinaayo, ku wargelinayaan in...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In