Maalintii labaad ayuu ka socdaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kulanka looga hadlayo Arrimaha Fataahada iyo Abaaraha soo noq noqday.
Qodabada maanta xooga la saaray waxaa ka mid ah sidii deg deg wax loogu qabto dadkii saameynta u gaystay fatahaada Wabiga Shabeelle.
Waxaana ay isku raaceen Madaxda Dowladda Soomaaliya ee Shirka ka qeybgalayo, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Baanka Aduunka in si deg deg ah in gurmad loogu fideyo dadka ka barakacay Magaalooyinka fatahaada uu Wabigu ka gaystay.
Dhinaca kale waxaa diirada la saaray amba qaadka wajiga labaad ee qorshaha dib u kabashada u adkeysiga Abaaraha iyadoo layla gartay der dergalinta Mashaariicda dib u kabashada,waxaana la noolaynayaa ilaha kala ah Waxsoorka sida kaluumeysiga Beeraha, Xoolaha,Biyaha, Tamarta iyo qodab kale kuwaas oo ku baxayo dhaqaaale fara-badan.
Kulanka ayaa la rajeynaa in ugu dambeyn laysku raaco qodob la-fulin karo Shanta Sano ee socda si Soomaaliya ay u sameeyso dib u kabasho ballaaran.