Mudane cali cabduqaadir faarax karaamo ayaa waxaa uu booqday kaamka joobano oo ah mid ugu weeyn degmada halkaasi oo ay ku nool 154 qooys oo barakacayaal ah kuwaasi oo xiligaan ubaahan in loo gurmado .
Roobabkii guga ee da’ay ayaa saamayn ku yeeshay noloshooda maadaama ay unugulyihiin qabawga iyo dhibicda roobka oo aysan haysan meel ay Gabaad ka dhigtaan
Gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshda degmada xamar jabjab ayaa mid mid uwaraysay qooysaska xaalada ay ku noolyihiin isagoo baaq ujeediyay Dawlada iyo hay’adaha kana codsaday in la caawiyo
kormeer Gudoomiye ku xigeen ayaa ku soo aadaya xili lagu guda galay roobabkii guga.