Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Warbixiyay dadaalka Dowlada ugu jirto Gurmadka Fatahaada

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
R/wasaare ku xigeenka dalka oo Xildhibaanada ku Bogaadiyay hanaanka dimuqraadiga ay u doorteen Guddoomiyaha cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar ) ayaa ka warbixiyay sida Dowada Soomaaliya ay kaga jawaabtay fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo dadaalada lagu xoojinayo u gurmashada dadkii ay qasaaradu ka soo gaartay fatahaadda wabiyada.

Mudane Mahadi Maxamed ayaa sharaxay deegaano ka tirsan Gobalka Gedo oo ay booqdeen, waxyaabaha ay kusoo arkeen iyo sida dadka uu u saameeyay Fatahaada.

“Waxaan indhaheena kusoo aragnay sida Baardheere wabiga u kala xiray dadka magaalada labadeeda dhinac, Luuq iyo Baardheere sida uu baabi’iyay Dalagii iyo Beerahii, dad badan oo Beereley Soomaaliyeed oo doonayay inay ka faa’iideeyaan waxsoo saarkii usoo baxay ayaa daadadkaas iyo Fatahaada Wabiga uu ka burburiyay tacabkii ay beereen”.ayuu yiri Ra’iisul wasaare kuxigeenka dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in ay ku dhex lugeeyeen qeybo ka mid ah degmada Doolow oo ay aad ugu riyaaqeen nabada ka jirta.

“Waxaan ku dhex lugeynay Degmada Doolow, iyadoo ay ka tarjumeyso nabad galyada qeybo badan oo Soomaaliya ka tirsan ay ku naaloonayaan, waxaan soo aragnay dadka degmada Doolow sida daadadkii iyo roobabkii waa weynaa ay u barakiciyeen dadkii magaalada qeybo badan oo ka mid ah”.

Ugu dambeyn Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay baaq u dirtay Bulshada Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka, dadaalkana uu meel wanaagsan marayo

“Dowlada Federaaalka tan iyo intii Guddida Gurmadka Qaran ee Fataahada la abuuray waxay baaq u dirtay Shacabka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka ee Saaxiibka aan nahay iyo Hay’addaha inagala shaqeeya Gargaarka, waxaan wali ku jirnaa aruurinta wixii ay ku deeqaan Buslahada Soomaaliyeed Ganacsato ha noqono Qurba joog ha noqoto ama Hay’addaha na taageera wixii tabarteena ah waan gaasriinay shalay Baardheere iyo Luuq, waana ku dadaaleynaa inaan halkaas kasii wadno “.

Previous Post

Sawirro+Madaxweynaha Maamulka Puntland oo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe.

Next Post

Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Next Post
Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In