Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Kenya oo Lammaane Soomaaliyeed ku eedeysay Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Boliiska Dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay Lamaane Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inay xiriirro kala duwan la leeyihiin Ururka  argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Lammaanahan oo lagu kala Magacaabo  Yaasiin Cabdille Xuseen (Abu Sumeiya ) oo 42 jir ah iyo Xaaskiisa, Fartuun Maxamed Guuleed, oo 41 jir ah, ayaa waxaa laga soo qabtay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi.

Related posts

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026

Labadan Qof ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay gacan saar la leeyihiin Cabdi weli Maxamed Guuleed, oo loogu yeero ( Abdiweli Kamaure) oo ah Maskaxdii ka dambaysay weerarkii kal hore ka dhacay Mandheera Kenya.

C/wali Maxamed Guuleed ( Abdiweli Kamaure) oo ah Fartuun Walaalkeed ayaa la rumaysan yahay inuu soo maleegay weerarkii Novembar 2014-kii lagu qaaday Bas marayay nawaaxiga Mandheera, kaasoo lagu laayay Dad u badnaa Kiristan.

Yaasiin Cabdille Xuseen , oo ah ganacsade ka shaqeeya howlaha qandaraasyada ayaa la sheegay inuu dhaqaala badan ku bixiyo dhaq-dhaqaaqyada Hubeysan ee ay Al-Shabaab ka fuliyaan qaybo kal mid ah Kenya iyo Soomaaliya.

Isha/ The Star

Previous Post

R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Warbixiyay dadaalka Dowlada ugu jirto Gurmadka Fatahaada

Next Post

Dhegayso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “SAWIRRO”

Next Post
Dhegayso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “SAWIRRO”

Dhegayso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka "SAWIRRO"

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo loo qeybiyay wax-ka-bedelka Dastuurka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 28 Janaayo 2026, Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In