Friday, June 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda Soomaaliya oo dib u howlgelisay Shabakadda Hindisaha Daahfurnaanta Dowladda+sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
May 22, 2018
in Wararka
0
Xukuumadda Soomaaliya oo dib u howlgelisay Shabakadda Hindisaha Daahfurnaanta Dowladda+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

 Dib u Howlgalinta Shabakadda Hindisaha Dahfurnaanta Dowladda (OGI) Ayaa ah mid lagu so bandhigaayo xogta shaqo iyo waxqabadka wasaradaha dowladda,kaasi oo loogu talagalay in bulshada loo soo bandhigo,sida waxqabadka qaab  dhismeedka sharciyada Shaqalaha,mashaaricda iyo macluumaadyo kale oo ay bulshada u hayaan hay’adaha dowladda.

Ujeedada barnaamijka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa la xiriirta islaxisaabtanka shacabka iyo hay’adaha dowladda,si loo abuuro jawi wadashaqeeneed ee dhexmara labada dhinac.

Agaasimaha Guud Wasaradda Warfaafinta C/raxmaan Sheekh yuusuf Al-cadaala Ayaa sharaxay Ahmiyadda dib u howlgalinta shabakadan Hindisaha Dahfurnaanta Dowladda OGI ,iyadoo ay ka qeybgaleeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo madax kala duwan oo ka kala socoday wasaaradaha iyo qeybaha bulshada.

“Marka koowaad barnaamijka waxaa loo baahday markii la dersay baahiyaha loo qabo in uu jiro farqi u dhexeeya dowladda iyo shacabka,taasi oo ku saabsan in shacabku ay ogaadaan waxyaabaha ay dowladooda u haysto waa taasi barnaamijkan ahmiyadiisa”. Ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Siihayaha Wasiirka warfaafinta ahna Wasiir kuxigeenka Xildhibaan C/raxmaan Iidaan Yoonis oo si rasmi ah u daah-furay shabakaddan ayaa sheegay in lagu so bandhigi doono waxqabadka dowladda.

“Waxaa lagu soo bandhigi doonaan xogaha kala duwan sida siyaasadda,amniga dhaqaalaah,Miisaaniyadda Sharciyada,si ay halkaasi ugala socdaan macluumaadyada hay’adaha dowladda,Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay abuuraysaa jawi isla xisaabtan dowladda iyo Shacabka ah’. Ayuu yiri Wasiir Iidaan.

C/llaahi Xaamud Maxamed Wasiiru dowlaha Xafiiska Raiisul Wasaaraha ayaa tilmaamay muhiimadda laga leeyahay arrintan oo ay hirgelisay Xukuumadda Soomaaliya.

“Hadii shacabka aanay waxba ka ogayn wixii dowladdu ay u qabanaysa,ama  ay qabanayso wasaaradda diinta, Beeraha ama Gargaarka iyo wasaaradaha kale, marka hadii qofku aan waxba la socon wax fikrad ah ka ma haysan karo, aduunyada dhan ayaya ka jirtaa”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Xafiisa R/wasaaraha Xaamud.

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa faah faahiyay shaqooyinka muhiimka ah oo ay dowladda u hayso shacabka.

“Xili oo muhiim ah oo xasaasi ah ayaan ku guda jirnaa xagga guud ahaan hanaanka geedi socoda dowladnimo,waxaa ay dowladda Soomaaliya ay haysaa howlo muhiim u ah dalka oo masiiri ah,waxaana kamid ah howlahaasi dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Qorshahan Shanakadda OGI ayaa qeyb ka ah dadaallo dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku abuurto jawi wadashqeyneed iyo isla xisaabtan dhexmara hay’adaha Dowladda iyo shacabka ay u adeegayaan.

 

Previous Post

Yariisoow; oo boqaday xarunta Degmada Xamar Weyne oo ay buuxdhiifiyeen Roobki ka da’aday Muqdisho

Next Post

“Seddex bil ee lasoo dhaafay habeen xitaa kama seexan taas waa xanuunka haaya” Hooyo+Sawirro Murugo leh

Next Post
“Seddex bil ee lasoo dhaafay habeen xitaa kama seexan taas waa xanuunka haaya” Hooyo+Sawirro Murugo leh

"Seddex bil ee lasoo dhaafay habeen xitaa kama seexan taas waa xanuunka haaya" Hooyo+Sawirro Murugo leh

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In