Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Garoowe oo soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Garoowe oo soo tiigsaday wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii sideedaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Boosaaso Vs Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Bari iyo Nugaal, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Boosaaso VS Garoowe ayaa muujiyey tartan aad u adag oo noqday kii ugu dhibcaha badnaa, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025

Boosaaso

Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee gobolka Bari waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, waxaana ay iska qaldeen afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareermartay tartamaayasha Degmada Garoowe, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Garoowe

Tartamayaasha Degmada Garoowe ee gobolka Nugaal waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysatay saddex suaal oo soo hareer martay Boosaaso, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garoowe waxay noqotay labo iyo toban (12) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka Sagaalaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Gaalkacyo Vs Kaaraan oo ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Banaadir.

Sawir Qaade: Qadar Cali Nuur

 

Previous Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay Xarunta Dabdamiska D/Wadajir+Sawirro

Next Post

Duqa Muqdisho oo Afur sharafeed u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka

Next Post
Duqa Muqdisho oo Afur sharafeed u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka

Duqa Muqdisho oo Afur sharafeed u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In