Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo “Xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 25ka May, 2018: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa mar kale ku celiyay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, walina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha keddib Masjidka Shuhadada ee Villa Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noqnoqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnimo.

Related posts

Taliyaha Guutada 6aad oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka

Taliyaha Guutada 6aad oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka

January 10, 2026
Ciidamada Ammaanka oo soo bandhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta oo hawlgal lagu soo qabtay

Ciidamada Ammaanka oo soo bandhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta oo hawlgal lagu soo qabtay

January 10, 2026

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaaliyeed ee dhiigga ku daadinaya magaalada Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabad joojin degdeg ah hala sameeyo, dhiiga daadanayana hala baajiyo. Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaaliyeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii karaankeenna ah waan sameynay. Waan isku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas.”

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha isqabsadaan, ayna gargaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo kahor ku dhuftay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntland iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay barakac baahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha samafalka ee garab istaagay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saameeynta xooggan ku yeesheen duufaannada iyo daadadka ku dhuftay qeybo kamid ah dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adkaan lahaa kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waajibaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka iyo Saraakiil Maraykan ah oo gaaray Baydhabo

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa+Sawirro

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa+Sawirro

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa+Sawirro

Taliyaha Guutada 6aad oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka

Taliyaha Guutada 6aad oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Guutada 6aad Qaybta 60aad Ciidanka Dhulka XDS G/le dhexe Liibaan Yusuf Gare Ayaa Tobabar U Soo Xiray Cutubyo...

Ciidamada Ammaanka oo soo bandhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta oo hawlgal lagu soo qabtay

Ciidamada Ammaanka oo soo bandhigay dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta oo hawlgal lagu soo qabtay

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO(GEDO):-Ciidamada Ammaanka ayaa hawlgal qorsheysan oo ka dhacay degmada Baardheere ku soo qabtay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta, kaas oo...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

The Government of Somalia has issued a statement regarding the attack on the Qatar Embassy in Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- The Federal Republic of Somalia expresses its profound concern over the damage sustained by the Embassy of the...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii safaaradda dowladda Qatar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In