Sunday, June 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa ku badiyay dhibcihii ugu badnaa ee tartanka, una soo gudbay wareegga labaad “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo caawa ku badiyay dhibcihii ugu badnaa ee tartanka, una soo gudbay wareegga labaad “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankii ugu dambeeyay ee shan iyo tobnaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Dhuusamareeb Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Jubbada Hoose., waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dhuusamareeb Vs Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Related posts

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

June 21, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

June 21, 2026

Dhuusamareeb

Tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dhuusamareeb ay heleen waxay noqotay labo (2) dhibcood.

Kismaayo

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen afar  su’aal, iyagoo iska qaldeen saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen saddex suaal oo soo hareer martay Dhuusamareeb, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay afar iyo toban (14) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan afurin ah u sameeyay Xildhibaannada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad “SAWIRRO”

Next Post

Isku aadka wareegga labaad ee tartanka oo la qori tuuray

Next Post
DAAWO: Tartamayaasha Degmada Shibis oo caawa si fudud ugu soo gudbay wareegga 2aad ee tartanka

Isku aadka wareegga labaad ee tartanka oo la qori tuuray

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo xilka ku wareejiyay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo mashaariicda SINAAN daahfuray

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay munaasabadda daahfurka mashaariicda...

Laamaha amniga oo ku raad-jooga shaqsiyaad fal anshax xumo ah kula kacay gabadh Soomaaliyeed

Laamaha amniga oo ku raad-jooga shaqsiyaad fal anshax xumo ah kula kacay gabadh Soomaaliyeed

June 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliiska Caasimadda ayaa wada baadi-goob xooggan oo lagu raadinayo eedeysanayaal ku eedeysan falal xadgudub ah oo ka dhan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kormeeray xarumaha lagu qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare

June 20, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In