Monday, November 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartanka Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka lix iyo tobnaad oo ah wareegga labaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Warta Nabadda Vs Jowhar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Related posts

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya

November 2, 2025
Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

November 2, 2025

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Jowhar ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, waxaana ay iska qaldeen lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen saddex su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Jowhar, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Jowhar

Tartamayaasha Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay Warta Nabadda, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Jowhar waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, iyadoo ah tartamayaasha koobka difaacanaya.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka todobo iyo tobnaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, ilaa iyo afar degmo oo kala ah, tartamaayasha degmooyinka Jilib Vs Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Mudug, halka ay ku xigi doonaan Hodan Vs Wadajir oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Previous Post

Tarmayaasha Degmada Yaaqshiid oo u soo gudbay wareegga 3aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland oo ka hortagay weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Shabaab

Next Post

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland oo ka hortagay weerar ay ku soo qaadeen Maleeshiyada Shabaab

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya,...

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

November 2, 2025
0

RADIO MOGADISHO(SUDAN):-The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Ali Mohamed Omar, received on Sunday, at his office...

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO(XAGARDHEERE):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa wada dadaallada lagu hubinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In