Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya Fulgencio Garrido Ruiz ayaa kala hadlay arrimo badan oo ay kujiraan xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Guddoomiyaha Golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan,kuwaasi oo mudanaanta uu siidoono Golahaasi.
Waxyaabaha labada dhinac ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageero dhinacyada farsamada ,inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo qubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.
Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mursal Sheeekh C/raxmaan, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan.
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala sharciyo muhiim u ah dalka,kuwaasi oo looga baahanyahay in ay meelmariyaan xildhibaanada,si dalka loogu haggo dhabah ahorumarka iyo dhismaha hanaanka dowladnimo.