Friday, June 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xaflad xusuus iyo duco ah oo Muqdisho loogu sameeyay Marxuum Yuusuf Afgooye

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 5, 2018
in Wararka
0
Xaflad xusuus iyo duco ah oo Muqdisho loogu sameeyay Marxuum Yuusuf Afgooye
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Xaflad duco iyo xusuus ah maanta ugu qabatay xarunteeda Marxuum Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye) oo May 28, 2018 ku geeriyooday Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka koonfureed ee Muqdisho.

Xafladan ducada ah oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirro, Xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaaliya, qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiin, samadoonno, indheer garad, aqoonyahanno iyo dad wax ku ool u ah bulshada, waxa ayna dhammaantooda Allah uga baryeen Marxuum Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye) in hoygiisa ka dhigo Jannada sare ee Alfardows.

Agaasimaha Waaxda Carabta ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada munaasabadda Mudane Mustafa Aadam Dagaal ayaa sheegay in Wasaaraddu horrumarin ku samayn doonto habka ay ku sagootiso diblomaasiyiinteeda iyo safiirradeeda ka geeriyooda.

Hadallo ay xafladda ka kala jeediyeen Danjire Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan iyo Eng. Saalax Sheekh Cusmaan, Wasiirkii hore ee Howlaha guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay si wadajir ah ammaan iyo boggaadin u jeediyeen howlihii uu qaranka u qabtay Marxuum Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye), iyaga oo Allah uga baryay in qabrigiisa ka dhigo beer jannaad.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Cali Maxamed Cali “Cali bin Cali” ayaa ka qeybgalayaasha xafladda xusuusiyay in naf waliba ay geeri dhadhamin doonto waqtigeeda, dadkana looga baahan yahay inay ku waano qaataan, xusuusnaadaan Allah, waxaana uu u duceeyay saaxiibkiisii Marxuum Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye) inuu u nuuriyo xabaasha, iilka neecaw udgooniyo, ku siiyo naruuro.

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, ayaa saraakiisha iyo agaasinnada kala duwan ee Wasaaraddiisa uga mahadceliyay sida had iyo jeer ay u maamuusaan aaska iyo xafladda duco ee ay u qabtaan saaxiibadooda shaqada ee geeridu ay haleesho, isagoo ammaanay howlihii shaqo ee uu qabtay Sheekh Yuusuf Cali Maxamed (Yuusuf Afgooye) inta aanu geeriyoon, waxaana uu Allah uga baryay dembi dhaaf iyo naxariis.

Previous Post

Mareykanka”Waxaan qaarijinay 27 Al-shabaab kamid ah”  

Next Post

Agaasimaha SONNA oo Tababar u furay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda

Next Post
Agaasimaha SONNA oo Tababar u furay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda

Agaasimaha SONNA oo Tababar u furay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

R/W Xamsa oo casho sharaf u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda Puntland

June 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa casho sharaf ku maamuusay mas'uuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda...

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

Madaxweynaha JFS oo soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran

June 19, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Akhriso War-murtiyeedka Shirka Gogosha Wadatashiga

June 19, 2025
0

Waxaa la soo gunaanaday Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda horay ugu dhawaaqay taasi oo muddo afar maalin ah...

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

Wasiiru dowlaha Waxbarashada oo ardayda Soomaaliyeed u rajeysay natiijo wanaagsan

June 19, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Nuuro Mustaf Mukhtaar, ayaa fariin dhiirrigelin iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In