Thursday, August 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha SONNA oo Tababar u furay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 5, 2018
in Wararka
0
Agaasimaha SONNA oo Tababar u furay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane Cabdulaahi Sheekh Cabdi raxmaan Heybe ayaa maanta daah furay Tababar aqoon kororsi ah oo la siinayo Shaqaale ka mid ah Wakaalada SONNA gaar ahaan qeybta Carabiga.

Tababarkan ayaa ku saabsan sida loo diyaariyo Warbixinada iyo Faallooyinka, waxaana uu socon doonaa mudo labo Maalin ah.

Related posts

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025

Agaasime Cabdulaahi Sheekh Cabdi raxmaan Heybe oo Munaasabad ka hadlay ayaa sheegay in Tababarka loo furay Shaqaalaha SONNA gaar ahaan qeybteeda Carabiga uu yahay mid muhiim u ah Shaqaalaha, wax badana kusoo kordhin kara hawsha Wakaalada ee dhinaca Carabiga.

Sidoo kale Agaasimaha Wakaalada SONNA ayaa xusay inay ka go’an tahay Kobcinta aqoonta Shaqaalaha Wakaaladda Qaranka, si Wakaaladda ay ula tartanto Wakaaladdaha Caalamka, iyadoo qorshaha uu yahay in qeybaha kale ee Wakaaladda sida Soomaaliga iyo Ingiriiska loo qabto Tababaro heerkan oo kale ah si kor loogu qaado Aqoontooda iyo Xirfadooda, isagoona ku amaanay Maamulka Wasaaradda Warfaafinta oo ay ugu horeeyaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud dadaalka ay ku bixinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada Shaqaalaha SONNA.

Tababarkan waxaa bixinaya Ustaad Cabdi raxmaan Sahal Yuusuf oo ka mid ah Lataliyayaasha Wasaaradda isla markaana ah Khabiir ku taqasusay sida loo diyaariyo Faallooyinka iyo Warbixinada.

Tifaftiraha guud ee Wakaalada SONNA Cabdi raxmaan Cabdulaahi Maxamed iyo Madaxa qeybta Carabiga Cumar Faarax Cali ayaa bogaadiyay Tababarkan, iyagoona tilmaamay inuu muhiim u yahay Shaqada Qaranka ay u hayaan Shaqaalahan ka tirsan qeybta Carabiga ee Wakaaladda SONNA.

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo la aas aasay1964 5-tii bishii Janaayo oo burburkii dalka hakad uu ku yimid howlaheeda shaqo ayaa dadaal ugu jirta inay la tartanto wakaaladdaha dhigeeda ah ee Dalalka Caalamka, iyadoo dad badan ay bogaadiyeen Howlaha ay wado wakaaladda oo muhiim u ah Hormarka dalka.

Previous Post

Xaflad xusuus iyo duco ah oo Muqdisho loogu sameeyay Marxuum Yuusuf Afgooye

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka "Sawirro"

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya

August 21, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dambiyada Saybarka Soomaaliya, oo...

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada oo ka furmay Muqdisho

August 21, 2025
0

Shirweynaha Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Isbeddelka Cimilada 2025 ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, maanta...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb-galay casho-sharaf uu u sameeyay Madaxweynaha Galmudug

August 21, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ka qeybgalay xaflad casho-sharaf ah oo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo daah-furay shir heer Qaran ah

August 20, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shir heer Qaran ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In