Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Agaasimaha SONNA oo Tababar u furay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Agaasimaha SONNA oo Tababar u furay Shaqaale ka tirsan Wakaaladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane Cabdulaahi Sheekh Cabdi raxmaan Heybe ayaa maanta daah furay Tababar aqoon kororsi ah oo la siinayo Shaqaale ka mid ah Wakaalada SONNA gaar ahaan qeybta Carabiga.

Tababarkan ayaa ku saabsan sida loo diyaariyo Warbixinada iyo Faallooyinka, waxaana uu socon doonaa mudo labo Maalin ah.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Agaasime Cabdulaahi Sheekh Cabdi raxmaan Heybe oo Munaasabad ka hadlay ayaa sheegay in Tababarka loo furay Shaqaalaha SONNA gaar ahaan qeybteeda Carabiga uu yahay mid muhiim u ah Shaqaalaha, wax badana kusoo kordhin kara hawsha Wakaalada ee dhinaca Carabiga.

Sidoo kale Agaasimaha Wakaalada SONNA ayaa xusay inay ka go’an tahay Kobcinta aqoonta Shaqaalaha Wakaaladda Qaranka, si Wakaaladda ay ula tartanto Wakaaladdaha Caalamka, iyadoo qorshaha uu yahay in qeybaha kale ee Wakaaladda sida Soomaaliga iyo Ingiriiska loo qabto Tababaro heerkan oo kale ah si kor loogu qaado Aqoontooda iyo Xirfadooda, isagoona ku amaanay Maamulka Wasaaradda Warfaafinta oo ay ugu horeeyaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud dadaalka ay ku bixinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada Shaqaalaha SONNA.

Tababarkan waxaa bixinaya Ustaad Cabdi raxmaan Sahal Yuusuf oo ka mid ah Lataliyayaasha Wasaaradda isla markaana ah Khabiir ku taqasusay sida loo diyaariyo Faallooyinka iyo Warbixinada.

Tifaftiraha guud ee Wakaalada SONNA Cabdi raxmaan Cabdulaahi Maxamed iyo Madaxa qeybta Carabiga Cumar Faarax Cali ayaa bogaadiyay Tababarkan, iyagoona tilmaamay inuu muhiim u yahay Shaqada Qaranka ay u hayaan Shaqaalahan ka tirsan qeybta Carabiga ee Wakaaladda SONNA.

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo la aas aasay1964 5-tii bishii Janaayo oo burburkii dalka hakad uu ku yimid howlaheeda shaqo ayaa dadaal ugu jirta inay la tartanto wakaaladdaha dhigeeda ah ee Dalalka Caalamka, iyadoo dad badan ay bogaadiyeen Howlaha ay wado wakaaladda oo muhiim u ah Hormarka dalka.

Previous Post

Xaflad xusuus iyo duco ah oo Muqdisho loogu sameeyay Marxuum Yuusuf Afgooye

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka “Sawirro”

Next Post

Dhegeyso Barnaamijka Wadajir oo ka hadla xasilinta dalka "Sawirro"

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In