Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulanka shan iyo labaatanaad oo ah wareegga saddexaad kulankiisa afaraad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Xamar Jajab Vs Kismaayo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii shanaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.
Tartameyaasha labada degmo ee Xamar Jajab Vs Kismaayo ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Xamar Jajab
Tartameyaasha Degmada Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, halka ay iska qaldeen shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen. sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xamar Jajab ay heleen waxay noqotay labo (4) dhibcood.
Kismaayo
Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex su’aal, iyagoo iska qalday lix su’aal, waxana ay ka faa’iideysteen labo su’al oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Xamar Jajab, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kismaayo waxay noqotay toban (10) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka oo ah wareegga ugu dambeeyay ee sideed dhamadka, halka tartamayaasha Degamda Xamar Jajab laga ciribtiray tartanka.
Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur