Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dugsiga hoose dhexe ee Kista oo kaalinta koobaad ka galay tartan dalka swedan lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Dugsiga hoose dhexe ee Kista oo kaalinta koobaad ka galay tartan dalka swedan lagu qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dugsiga hoose dhexe ee Kista International School oo ay maamulaan  aqoonyahano ku bahoobay ururka waxbarashada ee Alkowneyn ayaa Sanadkan kaalinta koowaad ka galay Dugisiga ugu wanaagsan ee heerka waxbaridda ubadka, ka dib markii daraasd lagu sameeyay in ka badan Kun Dugsi oo ku yaalla Dalkan Sweweden.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay xeritaanka Sanad Dugsiyeedka  2017/2018 iyo sagootinta Ardayda ka aflaxday Fasalka Sagaalaadka ee u gudbeysa Dugsiga sare, waxaana munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay  abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah waaliddiinta firfircoon iyo Ardadayda heerarkooda kala duwan.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

Sheekh Daahir Jeyte oo kamid ah maamulka iskuulkaasi ayaa faah faahin
ka bixiyay guulaha oiskuulkaasi uu gaaray iyo qiimeynta dowladda
Swedan ay ku sameysay iskuulaadka waxbarasho ee kuyaala dalkaasi.

“Marka hore ilaahay ayaa mahadda iska leh,marka xigtana shaqalaah ka
shaqeeya ayaan u mahadcelinayaa oo guushaasi qeyb ka qaatay,kadib
juhdigii la geliyay,hanoqoto waalidiinta Caruurta,macalimiinta
dhamaantooda,sababtoo ah iskuulkaana waxaa la aas aasey 2010,raacii
dhexe ee 2015-2016 waxaan galnay kaalinta 4-aad wadanka oo
dhan,sanadkaan ilaahay mahaddiisa waxaan soo galnay kaalinta
koowaad,487 iskuul ayaan kaalinta koowaad kaga jirnaa,taasi waxay ku
timid ilaahay oo inoo fududeeyay iyo juhdigii aan bixinay,waxaana
kamid ah caawinaada caruurta,gaar ahaan meel ka baxsan iskuulka marka
ay joogaan”.ayuu yiri Sheekh Daahir.

Dhammaan ka qayb galayaasha Xafladdan lagu sagootinayay Ardaydan ka gudubtay Dugsiga dhexe iyo Waaliddiintii halkaasi ku sugnayn ayaa si weyn ula dhacday habka Wax barista dhallaanka oo isugu jira Soomaali iyo Swedesh, waxanay ballan qaadeen inay kalsoonida ay ku qabaan sii Laba laabi doonaan.

 

 

Previous Post

Howlgalada ka dhanka ah Alshabaab oo ka dhacay Waqooyi magaalada Kismaayo

Next Post

Madaxweynaha Yugandha oo si kulul uga hadlay xildhibaan lagu dilay Kampala

Next Post
Madaxweynaha Yugandha oo si kulul uga hadlay xildhibaan lagu dilay Kampala

Madaxweynaha Yugandha oo si kulul uga hadlay xildhibaan lagu dilay Kampala

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In