Monday, June 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Yugandha oo si kulul uga hadlay xildhibaan lagu dilay Kampala

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Yugandha oo si kulul uga hadlay xildhibaan lagu dilay Kampala
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026

Wararka ka imaanaya dalka Yugandha ayaa  sheegaya in la dilay xildhiban ka tirsan baarlamaanka dalkaasi,taasi oo dhalisay caro xoogan oo ah dibadbadxyo ay dhigayaan shacabka.

Ciidamada amaanka deegaanka Arua ee waqooyiga Uganda ayaa siweyn u adkeeyey amniga ka dib markii Jimcihii halkaasi lagu dilay xildhibaan caan ah oo baarlamaanka dalkasi ka tirsan,waxaana wararku ay sheegayaan in uu kamid ahaa xubnaha sida aadka ah ugu dhawaa madaxweyne Yuweri Museveniga dalkaasi.

Shacab farabadan oo ah Taageerayaasha Ibrahim Abiriga ayaa burburiyay hanti islamarkana isku dayay in ay weeraraan saldhig booliisk,waxaana lafilayaa in Madaxwayne Yoweri Museveni uu ka qaybgalo aaska Mr Abiriga maanta Isniin ah.

Boqolaal dhalinyaro ah ayaa isugu soo baxay garoonka magaalada Arua ee waqooyiga Uganda si ay u soo dhaweeyaan maydka xildhibaankii deegaankaasi Ibrahim Abiriga,Waxaana uu ka mid ahaa dadka sida wayn u taageera madaxwayne Yoweri Museveni.

Mr Abiriga iyo askarigii ilaalinayay ayaa lagu toogtay habeenkii Jimciha guriga xildhibaanka oo Kampala ku yaalla, Madaxwayne Yoweri Museveni ayaa balanqaaday in uu xoojin doono dadaalka lagaga hortagayo dambiyada,

Sida ay sheegeen booliiska dalkaasi dad isu soo baxay ayaa ku dibadbaxay ilaalada xildhibaanada waxa ayna isku dayeen in ay weeraraaan saldhiga ugu wayn booliiska magaaladaasi.

Booliiska ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa iyo rasaas si ay dibadbaxayaasha u kala ceyriyaan.

Saxafiyiinta ayaa sheegaya in dadka xildhibaanka u baroor diiqayay ay ka careysnaayeen in dowladda aysan difaacin hogaamiyahooda.

Dalka Yugandha ayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa ku soo kordhayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo dadka waxtarka u leh bulshada iyo afduubyo,inkastoo ay socdaan isku dayo la doonayo in looga hortago falalkaasi amni dari.

Previous Post

Dugsiga hoose dhexe ee Kista oo kaalinta koobaad ka galay tartan dalka swedan lagu qabtay

Next Post

Soomaaliya oo laga saray liiska waddamada ugu amni darrada

Next Post
Soomaaliya oo laga saray liiska waddamada ugu amni darrada

Soomaaliya oo laga saray liiska waddamada ugu amni darrada

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

Shirweynaha barnaamijka maalgashiga Biyaha Soomaaliya ee 2026–2030 oo lagu qabtay Muqdisho

June 1, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Maalgelinta Cimilada (National Climate Fund – NCF) oo kaashanaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha (MoEWR), isla markaana...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay furitaanka Shirka Wasiirrada Kuuriya iyo Afrika

June 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qayb...

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaarinta Xildhibaanada Koofur-Galbeed: Riyadii hadda waa run. Shalay, Magaalada Baydhabo waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dawlad-goboleedka Koofur...

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

Jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sanad dugsiyeedka 2025/2026 oo la shaaciyay

May 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u shaaciyay jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In