Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo lacag ciidsiin ah u qeybiyey kudhawaad 100 carruur ah oo ay dhaleen wariyaashii ku dhintay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada oo lacag ciidsiin ah u qeybiyey kudhawaad 100 carruur ah oo ay dhaleen wariyaashii ku dhintay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Carruurtan oo ay ka tageen 25 wariye oo Muqdisho ku dhintay laga soo bilaabo 2007-dii ayaa waxaa maanta loo qeybiyay lacag ciidsiin ah oo uu ugu tala galay Xafiiska Warfaafinta iyo xiriirka warbaahinta ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdirisaaq Jaamac Cilmi Black oo ah madaxa xiriirka Warbaahinta ee Madaxtooyada ayaa sheegay in Xafiiska Warfaafintu uu diyaar u yahay in uu kaalin muuqata ka qaato daryeelka agoonta wariyaasha, sidoo kalena uu dhiirigelinayo qorshe kasta oo wax loogu qabanayo carruurta agoonta ah..

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

“Waxaan u soo jeedineynaa warbaahinta in ay u istaagaan sidii loo abuuri lahaa Sanduuq dhaqaale oo agoonta wariyaasha ka caawiya, barbaarintooda waxbarashadooda iyo caafimaadkooda.” ayuu yiri Black.

Dhinaca kale C/laahi Cusmaan Faarax oo ku hadlay magaca guddi wariyaal ah oo Xafiiska warfaafinta kala shaqeeyay raadinta iyo tirakoobka agoonta ayaa sheegay in wariyaasha Soomaaliyeed ay dhiiri-galin u tahay in garab istaag loo muujiyo carruurtii ay ka dhinteen saaxiibadooda shaqo, lana ciidsiiyo maadaama waalidiintoodu ay geeriyooday iyaga oo bulshada Soomaaliyeed u adeegaya.

Agaasimaha Radio Shabeele Abuukar Sky oo isna munaasabadda lacagta lagu qeybinayay ka hadlaya ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo si wada jir ah xaqul-ciid loo siiyo carruurtii ay wariyaashu ka dhinteen, waxa uuna intaas ku daray in ay muhiim tahay in la sii joogteeyo ka warqabka agoonta wariyaasha.

Munaasabaddan lacag qeybinta oo ka dhacday Beerta Nabadda ee Muqdisho waxaa goobjoog ka ahaa, Abwaan Cusmaan C/laahi Guure maareeyaha tiyaatarka qaranka, C/fitaax Maxamuud Siyaad Arizona Agaasimaha warfaafinta ee Gobolka Banaadir, C/laahi Xirsi Kulmiye Agaasimaha bariga iyo bartama Afrika ee Telefishinka Universal, Abuukar Sheikh Maxamuud Sky Agaasimaha Radio Shabeele, Wariye C/risaaq Catoosh, wariyaal iyo qaar ka mid ah waalidiinta carruura agoonta ah.

 

Previous Post

Carruur agoon ah oo la guddoonsiiyay deeq lacag ah

Next Post

Wasiirka Amniga oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska oo ay ku baxeyso in ka badan 40-Milyan “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Amniga oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska oo ay ku baxeyso in ka badan 40-Milyan “SAWIRRO”

Wasiirka Amniga oo Saxiixay Heshiis dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska oo ay ku baxeyso in ka badan 40-Milyan "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In