Xulka Qaranka Tunisia ayaa la ciyaari doono xulka qaranka dalka Ingiriiska kulanka ugu horeeya ee Group-ka G oo labada ay ka wada tirsan yahiin caawa saacadu markii ay tahay sagaalka habeenimo.
Dalka Tunisia oo ka mid ah shanta Dal ee afrika ugu qayb qaadaneysa koobka aduunka ayaa ah mid aanan laga adkaan lixdii kulan ee ugu danbeysay uu soo ciyaaray Isreeb-reebka Koobka aduunka loogu soo baxayay waxaana laga dhaliyay afar goo loo quraa dhamaan lixdaasi kulan uu soo ciyaaray sadex dal oo afrikan ah oo horey u soo ciyaaray waa la qaarijiyay Tunisa iyo Senigal ayaa dhiman labaadasi dal ayaa la ayaa loo saadaliyay in ay yahiin labada ee ugu adag shanta dal ee ka socda qarada afrika.
Ingiriska ayaa ah mid aanan laga adkaan tan iyo markii uu xilka macalinimo ee dalkaasi uu qabtay Garathe Southgate oo ahaa difaac hore oo xulka qaranka Ingiriska u soo ciyaaray.
Southgate horey uma soo leylin koox weyn ama dal balse waxaa uu haystaa rikoor guulo ah uu ku soo gaaray heerarka xulka qaranka Ingiriska ee da’a yarta uu wax badan ka soo qabtay waana sababta keentay in loo Magacabo macalinka xulka qaranka Ingiriska.
Group G waxaa kaloo ka mid ah dalalka Belgium iyo Panama oo ah kulan kale oo xiiso badan kaasi oo la ciyaari doono caawa lixda maqribnimo ayadoo dalka Belgium boqolkiiba 70 loo saadaliyay in uu adkaan karo kulankaasi balse waxaa xusuusin mudan in dalal fara badan jidka loo galay kuwaasi uu ka mid yahay dalka jarmalka oo koobka difaacanaya Brazil oo koobka loo saadalinyay Spain oo ku guuleysatay sanadkii 2010 iyo Argentina oo ah dal kubada cagta awood ku leh kuna guuleystay koobka aduunka laba jeer ayadoo uu hogaaminayo Leo Messi oo shan jeer ku guuleystay laacibka ugu wanaagsan dunida.