Sunday, June 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kenya oo laga dalbaday iney Qaxootiga u ogolaado iney si xor ah u Ganacsadaan

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Kenya oo laga dalbaday iney Qaxootiga u ogolaado iney si xor ah u Ganacsadaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu soo magacaabay xeer madaxweyne

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu soo magacaabay xeer madaxweyne

June 14, 2026

Qaramada Midoobay ayaa Xukuumadda Kenya ka dalbaday iney u ogolaato Qaxootiga dalkeeda ku sugan dhaqdhaqaaqa xorta ah oo awood u siinaya iney ganacsi ka sameeyaan dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey,ayaa sheegay in xorriyadda awood buuxda siin doonto dadka magan-galyo doonka ah.

Mr. Affey wuxuu sheegay in Qaxootiga loo arkayay iney culeys ku yihiin wadadamada martida loo yahay,hase yeeshee,wuxuu dhanka kale tilmaamay iney faa’ido yeellan karaan haddii xoriyad la siiyo.

“Qoxootiga waa raasu-maal meel kasta oo ay joogaan, in lagu darana horumarinta dhaqaalaha waa mid ka mid ah xalalka,” ayuu yiri Affey.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga Soomaaliya Amb: Maxamed Affey munaasabad lagu xusayay maalinta Qaxootiga Aduunka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Kenya ayuu sheegay iney martigelisay Qaxooti fara badan oo kala yimid wadamada deriska la ah Kenya sida Soomaaliya,Burundi iyo Koonfurta Suudaan,kuwaasi oo intooda badan ka soo barakacay colaado sokeeye,Amnidaro iyo isku dhacyo hubeysan.

Ugu danbeyntii,Xoghayaha Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Patrick Ntutu ayaa u sheegay qaxootiga inay u hoggaansamaan sharciyada Kenya ee nabadda ee Bulshada martida loo yahay.

Xigasho: The Star

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Addis-Ababa

Next Post

Agaasimaha guud ee HSJ oo kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo

Next Post
Agaasimaha guud ee HSJ oo kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo

Agaasimaha guud ee HSJ oo kormeer shaqo ku tagey magaalada Kismaayo

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qayb galay kulan dadweyne oo lagu qabtay Xarunta Degmada Shingaani

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa caawa hoggaamiyay kulan wacyigelin...

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu soo magacaabay xeer madaxweyne

Wasaaradda Cadaaladda oo soo dhaweysay Nootaayooyin lagu soo magacaabay xeer madaxweyne

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Faysal Aadan Xasan ayaa maanta furay munaasabad lagu...

Dalalka Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidanka

Dalalka Soomaaliya iyo Masar oo xoojinaya iskaashiga difaaca iyo tababarrada ciidanka

June 14, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka XDS, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan la qaatay U Qaybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Jamhuuriyadda Carabta...

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

Wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo la qaabilay

June 13, 2026
0

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, ayaa maanta qaabilay wefdi ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In