Shirkaan oo sadexdii Maalin ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Gobaleedka Puntland ayaa waxa ka qaybgalay Madaxda wasaaradah Boostada iyo isgaariinta heer Federaal, dawladd goboleedyada iyo Garyaqaanka Guud ee Dawladda Cismaan Cilmi Guuleed .
Shirka waxaa qodobadda loo hadlay ka Mid ahaa Wax ka badalka Xeerka isgaarsiinta Qaranka, qodabada Dhinacyada ka qaybgalayaasha ay sida Weeyn Uga doodeen ayaa waxay kala ahayeen Qodobka 5 aad , 6 aad, 10 aad iyo Qodobka 35 aad .
ujeedka shirka ayaa haa sidii loo heli laha xeer isgaarsiineed oo ay u dhanyahiin dhamaan Maamul Gobaleedyada kaasi oo ku dhisan nidaamka soomaaliya ay qaadatay ee Heer Federaal.
dhamaan madaxdii ka soo qeeyb gashay shirka ayaa Waxaa isku afgarteen wax ka badalka dhaqangalinta furaha +252 ee soomaaliya iyo Dumainka Internetka Soomaaliya ee .SO iyadoo qorshahan Madaxda Heer Federaal iyo Dawlad Goboleedyada ay isku waa faqeen in looga Danbeeyo hergalintiisa Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Soomaaliyeed.