Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta soo saaray wareegto dib loogala noqday, isla markaana lagu baabi’iyey dhammaan heshiisyadii lagu bixiyey dhulka Jardiinooyinka. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Markuu Arkay heshiisyadii lagu bixiyay dhulka jardiinooyinka ah ee ku yaal Isgoysyada Waddooyinka Laamiga ah ee Magaalada Muqdisho; isla markaasna uu hubsaday in heshiisyada loo maray hab khilaafsan shuruucda dalka, Madaama goobahaasi ay yihiin dhul Dan/Guud ah oo ka dhexeeya Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Banaadir; Wuxuu Soo Saaray Xeerkan: Qodobka 1aad. Qodobka 2aad. Qodobka 3aad. |
Madaxa Gudiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Somaaliya iyo Türkiye Xildhibaan Sadiq Cumar iyo wafdi u hogaaminaayo oo ka socda Baaarlamaanka JFS ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Ankara Wasiirka Tamarta ee Dowlada Türkiye Mudane Alparslan Bayraktar. Gudiga ayaa Wasiirka ka dhagaystay habsami u socodka mashruuca shidaal soo saarida ee dhawaan ka bilowday wadanka. Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha JFS u fadhiya Wadanka Türkiye Mudane Fatxudiin Cali Ospite iyo Madaxa gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka Turkiga Mudane Abdirahim Firat. Xubnaha Baaarlamaanka Soomaaliya ku matala gudiga saaxiibtinamada Soomaliya iyo Türkiye ee shirkan kasoo qayb galay ayaa kala ah: 1- Mudane Sadiq Cumar Xassan 2- Mudane Cabdiqadir Cumar Macalin 3- Mudane Caydaruus Saalax Yusuf 4- Mudane Cabdilatif Muuse Nuur 5- Marwo Rooda Carab Shariif 6- Mudane Abdirahman Axmed Cismaan 7- Mudane Xussein Maxamed Daahir 8- Mudane Cabdikarin Cumar Xussen 9- Mudane Cali Sheekh Maxamed Nuur
Madaxa Gudiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Somaaliya iyo Türkiye Xildhibaan Sadiq Cumar iyo wafdi u hogaaminaayo oo ka socda Baaarlamaanka JFS ayaa...