Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir horumarinta Tamarta wadanka ku saabsan oo Muqdisho ka socda+Sawiiro

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Shir horumarinta Tamarta wadanka ku saabsan oo Muqdisho ka socda+Sawiiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka waxaa soo qaban qaabiyay unuga isku xirka daneeyeyaasha arrimaha Tamarta Soomaaliya, oo wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee dowladda federaalka Soomaaliya ka tirsan, iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo kuwa dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

U jeedada ayaa aheyd, soo bandhigista qorshaha horumarineed ee Tamarta wadanka, iyadoo saraakiisha unuga isku xirka daneeyayaasha arrimaha Tamarta soo bandhigeen qorshe howleedkooda, qaabka ay tahay in looga wada shaqeeyo iyo waxyaabaha loo baahan yahay in la sameeyo gaar ahaan arrimaha sharciga iyo qeynuunka ah.

Related posts

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025

Shirka oo muddo labo maalin ah la qorsheeyay in uu socodo, ayaa waxaa si weyn looga hadli doonaa hanaanka wada shaqeyneyd ee ku aadan horumarinta Tamarta iyo sidii la isugu dubaridii lahaa dadaalada lagu horumarinaayo Tamarta wadanka, kaas oo ay ku howlan yihiin dhinacyo badan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Soomaaliya, mudane C/waaxid Axmed Ibraahim, oo kamid ahaa mas’uuliyiintii kulanka ka hadashay ayaa sheegay in wasaaraddu gacanta ku heyso mashaariic badan oo lagu horumarinaayo arrimaha biyaha iyo Tamarta, isla markaana wasaaradaha dowlad goboleedyada ee shaqadooda ku abaaran tahay kala shaqeyn doonaan sidii mashaariicdaas looga miro dhalin lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane C/caziiz Xasan Maxamed oo ku magac dheer Lafta-gareen oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wada shaqeyn dhow ay la yeelan doonaan dhammaan wasaaradaha dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in loo baahan yahay in looga wada shaqeeyo sidii hal wasaarad oo kale, ayagana dhankooda diyaar ay u yihiin talaabooyinka arrintaas lagu hirgelinaayo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda, Mudane Cismaan Libax Ibraahim, ayaa furitaanka shirka ka sheegay in mudadii ay joogeen xafiiska wasaaradda ay wax badan isku dayeen sidii loo dardargelin lahaa dadaalada lagu horumarinaayo arrimaha Tamarta iyo biyaha oo labada qeybood oo wasaaradu u igman tahay.

Shirka dhanka dowlad goboleedyada waxaa ka qeybgalay, wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka biyaha Galmudug, Hirshabeele, wasiirkii hore ee Tamarta Jubaland, wasiir ku xigeenka Tamarta ee Koofur galbeed iyo xubno ka socday dowlad goboleedka Puntland.

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+ Sawirro

Next Post

Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+Sawirro

Next Post
Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+Sawirro

Wasiirka Arrimaha gudaha oo booqday dhaawacyada qaraxii shalay+Sawirro

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

Safiirka JFS ee Dalka Yeman oo la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalkaas

October 13, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Yeman, Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed, ayaa magaalada Cadan kulan kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga ee...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

October 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa kulan rasmi ah la yeelatay dhigeeda Wasiirka Qoyska ee Dowladda aan...

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In