Saturday, July 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Muxuu ku saabsan yahay heshiiska ay wada gaareen hoggaamiyaasha Itooboiya iyo Eritrea?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Muxuu ku saabsan yahay heshiiska ay wada gaareen hoggaamiyaasha Itooboiya iyo Eritrea?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

July 4, 2026

Wadamada Itoobiya iyo Eritrea  ayaa ku heshiiyay in dib loo hagaajiyo xiriirka diblomaasi iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeyay labada dal, kadib 18 sano oo ay dirirsanaayeen labada dal,taasi oo soo ifbaxday kadib markii dhawaan la doortay raiisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa arrintan ku dhawaaqay, kadib kulan taariikhi ah oo labada hogaamiye ku dhxemaray magaalada Asmara,kaasi oo ah  markii ugu horeesay oo madaxda labadan dal ee dariska ah ay kulmaan muddo labaatan sano ah.

Hogaamiyaasha Labada dal ayaa waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo khadadkii taleefoonada iyo duullimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray labada wadan.

Xiriirka xumaaday ee labada dal ayaa ah mid salka ku hayo muran dhanka xadka u dhaxeeya labada wadan, kaasi oo dagaalka ka dhashay ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof tan iyo sagaashameeyadi.

Sanadka markuu ahaa 2000 markii uu meesha ka baxay heshiis ay wada gaareen kaasi oo dhanka xuduuda ku saabsanaa ,ayna diiday Itoobiya,taasi oo dhalisay dagaalo sokeeye oo labad adal u dhexeeyay.

Safarka ra’iisul Abiy Axmed  ayaa waxaa uu daba joogaa booqasho ay dhawaan wafdi ka socda dalka Eritrea ku yimadeen magaalada Addis-ababa.

Hadal jeedin toos ahoo laga siidaayay warbaahinta labada dal ayaa ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu ku sheegay inay sidoo kale ku heshiyeen in midba dalka kale uu ka furto safaarad iyo in dowladda Eritre ay Itoobiya u oggolaatay inay adeegsato dekedaha dalkaasi.

Kulanka labada hogaamiye ayaa waxaa si aad ah usoo dhaweeyay shacabka dalka Eritrea oo calamada labada wadan la tagnaa hareeraha wadooyinka magaalada Asmara.

XIGASHO:SONNA 

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Qeyb Galaya Caleemo-saarka  Erdogan

Next Post

24-ruux oo ku geeriyootay shil Tareen

Next Post
24-ruux oo ku geeriyootay shil Tareen

24-ruux oo ku geeriyootay shil Tareen

Maxkamadda CQS  oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

Maxkamadda CQS oo Xukunno kala duwan ku riday 4 eedeysanayaal

July 4, 2026
0

Afartaan Eedeysane, ayaa lagu Eedeyey Kamid Noqoshada Khawaarijta oo ay qaabilsanaayeen Fulinta Qaraxyada, Dilalka Gaadmada ah, Basaasid, Tashkiilin iyo Kala...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka NISA oo Howlgal Qorsheysan ku dilay 8 dhagarqabe

July 4, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha Dhexe...

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

Hoggaamiyaha K/Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada xafladda Caleema-saarka

July 4, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoonka Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed, ayaa kulan...

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

Dowladda Soomaaliya oo Mareykanka ugu hambalyeysay munaasabadda maalinta xorriyaddiisa

July 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:Munaasabadda sanad guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In